Sxb Kay Ayaa Xabaasha Email Iiga Soo Diira! WQ) Axmed-Shaakir Cawil : Qiso Murugo Badan

0
Monday February 02, 2015 - 11:06:00 in by salman abdi
  • Visits: 1445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sxb Kay Ayaa Xabaasha Email Iiga Soo Diira! WQ) Axmed-Shaakir Cawil : Qiso Murugo Badan

    Qisadani waxay ku dhacday Nin dhalinyaro ah oo u dhashay dal kamid ah dalalka Khaliijka, wuxuu ahaa nin aad u xiiseeya una jecel filimaanta Anshaxa xun ee gogol-dhaafka dhiirri-galinaya,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qisadani waxay ku dhacday Nin dhalinyaro ah oo u dhashay dal kamid ah dalalka Khaliijka, wuxuu ahaa nin aad u xiiseeya una jecel filimaanta Anshaxa xun ee gogol-dhaafka dhiirri-galinaya,

 wuxuu galay website gaar u ah qaybinta filimaantaa anshaxa xun oo lacag la isku diiwaan galiyo, wuuna iska diiwan galiyey.


Asxaabta oo dhan ayuu ka qortay emails ka todobaad kasta waxa loosoo diro ayuu isna usoo gudbin jirey, Muddo dhowr bilood ayey asxaabtiisa sidaa uga helayeen muuqaaladaa, isla markaan lagu falanqayn jirey kulamada ay yeeshaan filimaantaas keebaa u wacnaa iyo sidaa buu ahaa iyo sawirkaas baan ka helay.
Todobaad kasta waxaa usoo dhici jirey Vedios iyo Sawiro anshax xun, aad baanu ugu raaxaysan jirey daawashadooda, mar kasta oo uu asxaabtiisa kale la kulmo wuxuu ugusoo qaadi jirey Mobile ka oo uu daawadsiin jirey, asxaabtiisa kale ayaa aad uga codsan jirey inuu website kaa tuso oo link giisa siiyo, Laakiin wuxuu ku yidhi: "Iska daaya aniga ayaa idiin soo xawilaya
dhamaan waxa ay iisoo diraan, idinku ii qora Emails kiina”.

 

Lix bilood kadib inankii ayaa waxa uu galay shil gaadhi, rabi waxa uu qadaray in uu halkaa naftiisii ku waayo, sxb ka qisadan warinaya ayaa Yidhi: "Waxaan ka mid ahaa dadkii aaska ka qayb galay, Markii aanu soo aasnay ayaa waxaan imi gurigaygii, Waxaan furay Computerka, Emailkayga Inbox kiisa markaan galay Ayaan arkay warqad cusub oo taalla, waan sii furay, waa file ay ku jiraan Vedio iyo Sawiro anshax xumo ah oo uu soo diray Sxb kaygii aan aaskiisa ka imi iminka!”.

Inankii oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: "Waan argagaxay, kadibna shaydaanka iska naaray, Waxaan si deg-deg ah ku masaxay Emailkii la iisoo direy, todobaad ayaa kasoo wareegay, hadan waxaa isoo gaadhay Email la mid ah kii hore oo uu soo direy Marxuumkaa geeriyooday!, Markaa Ayaan ogaaday in Emails kayagii uu galay Emailkiisa qaybta (Automatically Forward Emails) iskii inuu ugu xawilo email-lada ka imanaya website ka sxb da uu diiwaan galiyey.

Waxaan baadi doonay cinwaanka website ka, waxaan la xidhiidhay Maamulka webka, waxaan ku wargaliyey in Sxb kayga magacaa iyo Emailkaa leh uu geeriyooday, isla markaana aan codsanayo in la joojiyo adeega uu webkani siin jirey sxb kay!!!

Qoladii website ku waxay I waydiiyeen inaan garanayo lambarkii sirta ahaa (password) ee uu sxb kay isku diiwaan galiyey, waxaan ugu jawaabay Maya”

Webkii ayaa kusoo jawaab celiyey waan ka xunnahay, adeegani waxa uu socon doonaa Muddo 4 sanadood ah!!!, inankii ay sxb ka ahaayeen ninka dhintay ayaa yidhi:  Iminka waxaa kasoo wareegay markii uu geeriyooday saaxiibkey Laba sanadood iyo badh,  bil kastana 4 farriimood oo uu ku faafinayo dhaqan xumo ayaa iga soo gaadhay sxb kay oo xabaal ku jira!!!

Markii aan Maqlay Qisadan oo aan dhagahayga kaga dhagaystey Sheekh Sucuudi ah waxaan xasuustay aayad Qur’aan ah oo uu rabi ku yidhi Suuratu Yaasiin:

Rabi waxa uu yidhi: "Anaga ayaa nooleyneyna kuwii dhintey, Waxa aanu qori doonaa wixii ay hor-marsadeen iyo raadadkoodiiba, Wax kastana waxaan ku tira-koobnay Kitaab cad”

Waxa rabi uu qofka u qorayo maaha oo qudha dambigii uu sameeyey intii uu dunida joogay, balse waxaa loo qorayaa dambi kasta oo uu sabab u noqday in cid kale ay samayso, Nabigeena suubani SCWS wuxuu yidhi: ((Qofka Islaamka Jideeya Jid Wanaagsan Waxa uu Leeyahay Ajarkiisa iyo Ajarka inta ku Camal Fashaba, Qofka Jideeya Jid Xunna Waxa uu Leeyahay Dambigiisa iyo Dambiga inta ku Camal Fasha))

Gaba-Gabo:

Hadaba qisadan waxaynu ka qaadanaynaa sida dambiyada dadka qaar ay dhayalsanayaan oo si fudud loogu dhacaa ay sahlan tahay ay u noqon karaan ciqaab qofka daba joogta nolol iyo geeri dabadeed ba, Hadii ay dhacdo in vedio aan wanaagsanayn uu Mobile kaaga ku jiro fadlan cidna ha u dirin, waayo isku dambi maaha qofka dambiga isagu isku kooba iyo qofka dambiga faafiya.

 

Qalinka: Axmed-Shaakir Cawil Jaamac

Email: Shaakironline@hotmail.com