Kooxda Boko Xaram iyo Dowlada Nigeria Oo Dagaalo Ku Dhexmaray Magaaloyin Halbawlo ah

0
Monday February 02, 2015 - 21:43:04 in by salman abdi
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Boko Xaram iyo Dowlada Nigeria Oo Dagaalo Ku Dhexmaray Magaaloyin Halbawlo ah

    Kooxda Boko Xaram ayaa markii labaad Axadii shalay ku guuldareysatay inay la wareegto magaalada Maiduguri oo ah caasimada gobalka Borno.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Boko Xaram ayaa markii labaad Axadii shalay ku guuldareysatay inay la wareegto magaalada Maiduguri oo ah caasimada gobalka Borno.


Dagaalka ka socda magaalada Maidguri ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaateen diyaaradaha dagaalka kuwaasi oo dib u riixay duulaankii Boko Xaram ku dooneysay inay kula wareegto caasimada gobalka Borno.


Magaalada Maiduguri ayaa muhiim u ah kooxda Boko Xaram waana halka ay kasoo jeedaan hogaamiyayaasha aasaasay kooxda Boko Xaram, sidoo kale magaaladaasi ayey ku dhaqan yihiin dad gaadhaya 1 milyan oo qof, waana magaalo muhiim u ah dowlada Nigeria xiliga doorashada.
Doorashada dalka Nigeria ayaa lagu wadaa inay dhacdo 14ka bishan feberaury , magaalada Maiduguri ayaa ah magaalooyinka ugu waaweyn ee waqooyiga Nigeria.
Kooxda Boko Xaram ayaa hore usoo qabsatay inta badan magaalooyinka iyo tuulooyinka gobalka Borno.
Ciidamada Militariga Nigeria ayaa la sheegay inay gacan ka helayaan maleeshiyaad ay sameysteen dadka deegaanka kasoo jeeda oo dhibaato badan kala kulmay kooxda Boko Xaram.
Boko Xaram ayaa la sheegayaa in sanadkii tagay 2014 ay dalka Nigeria ku dileen dad gaadhaya 4.500 qof.



Xamse Fabregas 

Contact@afkashacabka.com

 Sudaan/Office