Wadaadkii labaad oo Xalay lagu dilay Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay

0
Tuesday February 03, 2015 - 11:33:48 in by Burco Office
  • Visits: 631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadaadkii labaad oo Xalay lagu dilay Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay

    Wadaadkii labaad ayaa lagu toogtay Baydhabo hal toddobaad gudihiis, iyadoo Sheekha labaad ee la dilay lagu magacaabi jiray Sheekh Xasan Sheekh Xuseen oo loo yaqaano (Sooma-daare), iyadoo kooxo hubeysan ay ku dhex dileen masaajid ku yaalla xaafadda Be

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadaadkii labaad ayaa lagu toogtay Baydhabo hal toddobaad gudihiis, iyadoo Sheekha labaad ee la dilay lagu magacaabi jiray Sheekh Xasan Sheekh Xuseen oo loo yaqaano (Sooma-daare), iyadoo kooxo hubeysan ay ku dhex dileen masaajid ku yaalla xaafadda Berdaaale.


Sheekh Xasan ayaa waxaa la toogtay xilli uu masjidka ku tukanayay salaadii cishada, waxaa kaloo dhaawac soo gaarey wiil uu dhalay Sheekha oo la socday, iyadoo kooxihii dilka geystay ay baxsadeen.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilka wadaadkan labaad ee Baydhabo lagu dilay, iyadoo sidoo kalena aan la ogeyn sababta loo dilay Sheekh Xasan Sheekh Xuseen.

Dilkan wadaadkan ayaa imaanayaa iyadoo isla toddobaadkan gudahiisa lagu dilay Baydhabo Sheekh Shariif Siid Cali (Siidi) oo ka mid ahaa culummada sida weyn looga yaqaanno Baydhabo. Iyadoo la dilay xilli uu kasoo baxayay masjid uu kusoo tukaday.

Culumadan labada ah ee Baydhabo lagu dilay ayaa waxay ka mid ahaayeen Majmaca Culumada Ahlusunna ee Baydhabo, waana culumada uga waaweyn magaalada oo qayb weyn ka qaatay fidinta diinta Islaamka illaa waqtiganna lama soo qaban ciddii dishay culummadan.

Dhanka kale, ciidamada amniga Baydhabo ayaa toddobaadkan gudihiisa ku qabqabtay Baydhabo dhallinyaro badan oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, kuwaasoo qaarkood loo qabtay dilkii Shariif Cali Shariif Siidi.



conatct@afkashacabka,com