Diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqeymo ka geystay Gobolka Jubbada Hoose

0
Tuesday February 03, 2015 - 12:02:01 in by Burco Office
  • Visits: 745
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqeymo ka geystay Gobolka Jubbada Hoose

    Diyaarado dagaal oo la aamisan yahay inay Kenya leedahay ayaa duqeymo ka geystay deegaanka Yoontooy oo waqooyi ka xigta magaalada Kismaayo qiyaastii 15-km, halkaasoo ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarado dagaal oo la aamisan yahay inay Kenya leedahay ayaa duqeymo ka geystay deegaanka Yoontooy oo waqooyi ka xigta magaalada Kismaayo qiyaastii 15-km, halkaasoo ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradahan dagaal ay beegsanayeen deegaano ay saldhigyo ku leedahay Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Somalia iyo xoogagga Midowga Afirka ee AMISOM oo ay Kenya qayb ka tahay.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in diyaaradahan oo ahaa kuwa sida qummaatiga ah u kaca ay gantaallo la dhaceen goobahaas, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ay duqeyntan geysatay, balse meelaha ay duqeeyeen ayaa ahaa goobo ku teedsan webiga Jubba.

Duqeynta ayaa waxaa barbar socday dagaal u dhaxeeyay ciidnka maamulka Jubba oo garabsanaya ciidamada Kenya ee AMISOM ka tirsan iyo xoogagga Al-shabaab, dagaalkaas oo ka socday agagaarka deegaanka Yoontooy.

Goobjoogayaal ku sugan deegaankaas ayaa laga soo xigtay in diyaaradihii duqeynta geystay ay ku laabteen Kismaayo, halkaasoo la rumeysan yahay inay markii horeba kasoo duuleen.

Maamulka Jubba iyo AMISOM ayaan weli ka hadlin duqeynta diyaaradeed ee shalay ka dhacday deegaanka Yoontooy, iyadoo duqentan ay imaanayso xilli maalin ka hor ah ay diyaarado dagaal duqeeyeen deegaan ka tirsan gobolka Bay, halkaasoo ay ku yaalleen saldhigyo ay Al-shabaab tababar ku siiso qaar ka mid ah xoogaggeeda.

contct@afkashacabka.com