Madaxweynaha Somaliya Oo Safiirka Serbia Ka Gudoomay Waraaqaha Aqoonsiga.

0
Tuesday February 03, 2015 - 22:22:20 in by salman abdi
  • Visits: 561
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliya Oo Safiirka Serbia Ka Gudoomay Waraaqaha Aqoonsiga.

    Madaxweynaha ayaa danjiraha cusub u xaqiijiyey in Soomaaliya ay soo dhoweyneyso in xiriirka labada dal uu noqdo mid iskaashi oo gacan ka geysta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha ayaa danjiraha cusub u xaqiijiyey in Soomaaliya ay soo dhoweyneyso in xiriirka labada dal uu noqdo mid iskaashi oo gacan ka geysta

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada warqadihii aqoonsiga kaga guddoomay danjiraha dalka Serbia u fadhin doona Soomaaliya Mr Ivan Zikovic.
 


Danjire Zikovic oo isna halkaasi ka hadley ayaa sheegay i
Madaxweynaha ayaa danjiraha cusub u xaqiijiyey in Soomaaliya ay soo dhoweyneyso in xiriirka labada dal uu noqdo mid iskaashi oo gacan ka geysta dib u soo kabashada Soomaliya.
”Wan ku faraxsanahay inaan Soomaaliya kugu soo dhoweyno. Dowladeyda diyaar ayay u tahay inay si buuxda kuula shaqeyso si aadwaajibaadkaaga u gudato, Waxan filayaa inaad taageero badan naga siin doontaan adeegyada kala duwan ee ku burburey dagaaladii sokeeye”.

 


dalkiisa uu Soomaaliya kala kaashan doono adeegyada waxbarashada, beeraha,tababarka mihnadaha dhalinyarada, sayniska,caafimaadka iyo kuwo kale oo horumarineed.

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey danjiraha adeegyada Serbia ay dooneyso inay kala shaqeyso Soomaaliya , isagoo si gaar ah u xusey muhimadda tababarada mihnadaha u leeyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed.
 

”Muhimad balaaran ayay inoo leedahay tababarada mihnadaha. Horumar badan ayaan ka sameyney laamaha kala duwan ee waxbarashada, laakiin tababarka mihnadaha ayaa u baahan in la sii xoojiyo si shaqo loogu abuuro dhalinyaradeena. Waa hubaal in haddii gacan balaaran la inaga siiyo dhinacyada mihnadaha iyo sayniska in wax badan oo horumar ah laga dareemi doono waddanka”.
 

Munaasabadda uu madaxweynaha danjire Zikovic kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr Cabdiraxmaan Beyle Ducaale.
DHAMMAAD

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so


Contact@afkkashacabka.com