Shir Ayatashiya Oo Badhasabka Gobolka Hawd iyo Isu_Duwayasha Wasaradaha Gobolkaasi Ay Manta Ku Yasheen Magalada Baligubadle

0
Tuesday February 03, 2015 - 22:26:05 in by salman abdi
  • Visits: 889
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Ayatashiya Oo Badhasabka Gobolka Hawd iyo Isu_Duwayasha Wasaradaha Gobolkaasi Ay Manta Ku Yasheen Magalada Baligubadle

    Badhasaaka Gobalka Hawd, ayaa maanta shir loo balansanaa kula yeeshay xarunta gobalka, ee Baligubadle, isu-duwayaasha laamaha kala duwan ee dawlada ee gobalka Hawd.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badhasaaka Gobalka Hawd, ayaa maanta shir loo balansanaa kula yeeshay xarunta gobalka, ee Baligubadle, isu-duwayaasha laamaha kala duwan ee dawlada ee gobalka Hawd.




Shirkan, oo uu Guddoominayay Badhasaabka gobalku, waxa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Waxbarashada iyo Tacliinta sare, ee gobalka Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xasan, iyo Isu-duwayaasha gobalka ee Wasaaradaha Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada, Xannaanada Xoolaha Iyo Hurumarunta Reer Miyiga, Warfaafinta, Maaliyada, Diinta Iyo Awqaafta, Caafimaadka, Beeraha, Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha, Dib-u-dejinta, Iyo Taliyayaasha Ciidamada Booliska Iyo Asluubta ee gobalka, Maayarada Baligubadle, Bali-cabane, Sayla, Xoghayaha Fulinta ee dawlada hoose ee Baligubadle, Xubnaha golaha deegaanka ee Baligubadle, madax-dhaqameed, waxgarad iyo xubno ka socda qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaanu

 

shirku u mahad-naqay Madaxweynaha Somaliland, Wasiirada Wasaaradaha Waxbarashada, Horumarinta Reer Miyiga, Xannaanada Xoolaha, Caafimaadka, Cadaalada, Diinta Iyo Awqaafta, iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Tliyayaasha ciidamada Booliska Iyo Asluubta Somaliland, iyo Isu-duwayaasha Wasaaradaha ee Gobalka, waxaanay ka qeyb galayaasha iyo Badhasaabka Gobalku, ay si weyn uga wada hadleen sidii loo dhaqaajin lahaa detder-gelinta hawlaha Wasaaradaha ee ay Isu-duwaashu dabad-jooga u badani uga wakiilka yihiin Gobalka Hawd, oo uu intooda badan gaabis xoog lihi ka muuqdo, iyo baahida weyn ee loo qabo in Isu-duwayaashu ay si degdeg ah oo joogto ah uga hawl-galaan xarumaha xafiisyadooda Gobalka, waxaana falan-qeyn dheer kaddib, waxa gebagabadii shirka laga soo saaray qoraal ka kooban Toban Qodob, oo uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka Maamulka Gobalka HAWD, Cabdikariin Maxamed Xaaji Cali Geelle, kuwaas oo u dhignaa sidatan,


1- Shirku waxa uu ku go'aamiiyay in IsU-duwayaashu ka hawl galaan xafiisyadooda lana

Joojiiyo in ogolaansha la,aan laga maqnaado xafiisyada

2- In Isu-duwayaasha Hay'adaha Dawlada ee Gobalku, ay si joogto ah u soo gudbiyaan warbixin Bileed buuro ah oo, ku saabsan wixii u qabsoomay iyo baahiyaha lagama maarmaanka ah ee jira.

3- Shirku waxa uu ugu baaqayaa dhammaan Wasaaradaha Dawlada Somaliland,in ay gobalka si dhakhso ah uga hawl-galiyaan xafiisyadooda, iyaga oo fulinaya siyaasada maamul daadajinta Ee Madaxwaynaha JSL. isla markaana la tayeeyo Wasaaradaha ka hawlgala Gobalka, iyada oo laga shidaal qaadanayo sida wanaagsan ee ay Wasaarada Waxrashada Somaliland, uga hawl gasho Gobalka.


5-Shirka waxaa lagaaa dhawaaqay dhismaha golaha horumarinta gobolka siduu dhigaayo xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyiinku qodobkiisa (12aad)
4- In gobal ahaan taageero buuxda la siiyo tayaynta maamulka degmooyinka Balicabane iyo Sayla.

6- Shira waxa lagag dhawaaqay n 26ka bisha Labaad, ee sannadkan aynu ku jirno ee 2015-ka, la isugu yimaado shir danbe.

7- Shirku waxa uu si buuxda u soo dhaweynayaa magacaabiista wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare u magacawday gudoomiyaha waxbarashada gobolka hawd afhayeenka Wasaarada.

8- In Isuduwaha wasaarada shaqada iyo arimaha bulshadu ay masuulka uga tahay soo diyaarinta bil kasta la socodka hawlaha wasaaradaha gobolka hawd

9- Shirku waxa uu si wayn u dhiiri galinayaa doorka haweenka ee hawlaha maamulka ee gobolka hawd

10- Shirku wuxuu Amaanay waxqabadka dawlada ee ay wadaan masuuliyiinta dawlada hoose ee Baligubadle

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hawd, Md Cabdikariin Maxamed Xaaji Cali Geele

ALLAA WEYN



Contact@afkashacabka.com