Laba Hablood Oo Mattaano Soomaali Ah Kana Tagay Dalka Ingiriiska Oo Ku Biiray Kooxda DAACISH+SAWIRO

0
Tuesday February 03, 2015 - 22:33:18 in by salman abdi
  • Visits: 1637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba Hablood Oo Mattaano Soomaali Ah Kana Tagay Dalka Ingiriiska Oo Ku Biiray Kooxda DAACISH+SAWIRO

    Laba hablood oo Mattaano ah, haysta dhalashada dalka Ingiriiska balse asalkoodu ahaa Soomali, laguna kala magaabo Sahra iyo Salma Xalane ayaa ku soo bandhigay sawiro baraha bulshada iyagoo tababar qaadanaya.Labadan gabdhood oo 17 jiro ah ayaa ka tege

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba hablood oo Mattaano ah, haysta dhalashada dalka Ingiriiska balse asalkoodu ahaa Soomali, laguna kala magaabo Sahra iyo Salma Xalane ayaa ku soo bandhigay sawiro baraha bulshada iyagoo tababar qaadanaya.Labadan gabdhood oo 17 jiro ah ayaa ka tegey gurigooda oo ku yaal Chorlton, Manchester bishii June ee sanadkii hore iyagoo ku biiray ururka Daacish.


adfda-1adfda-2

Sawirada lagu soo bandhigay mid kamid ah labada mataanahaha Twitterkeeda ayaa waxaa ku soo muuqday afar gabdhood oo xijaaban ku waasoo haysta qoriga AK-47.Muuqaal kale ayaa waxaa lagu arkayaa labo haween ah oo xijaaban muujinayana astaanta wadnaha iyadoo sawirka saddexaadna uu muujinayo kabaha afar haween ah. Sawiradan ayaa waxaa la socday qoraal ah loogu mahad celinayo Alle. Lagamana aqoonsan karo sawiradan labada gabdhood ee mataanaha ah.

adfda-4adfda-3

Gabdhahan mataanaha ah ayaa loo maleynayaa in ay guursadeen labo ka mid ah dagaalyahanada ururka ISIS ee dalka Siiriya kuwaasoo ku dhintey dagaal sida ay qortay Dailymail.Mataanahan ayaa waxaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin guutada Booliska ee fuliya shareecada Islaamka wadooyinka magaalada Raqqa, waxaana guutadaa ka mid ah Aqsa Mohamood oo ku nooleyd magaalada Glasgow kahor inta aysan ku biirin ururka Daacish.

Waalidiinta mataanahan Ibrahim iyo Khadra Jamac ayaa u safray dalka Siiriya bishii November balse labada mataanaha ah ayaa la sheegay in ay diideen inay dib ugu laabtaan dalka Britain oo waalidkood ay kula noolaayeen,Labadan mataanaha ah ayaa waxa ay ahaayeen arday natiijo wanaagsan ka haysta waxbarashadda waxayna qorsheynayeen in ay noqdaan dhakhaatiir. Ibrahim iyo Khadra ayaa wiilkooda 21jirka ahaa ee Axmed waxa uu ku biirey ururka Alshabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.



Contct@afkashacabka.com