Al-shabaab oo weerartay saldhig boolis oo ku yaal magaalada Bosaso

0
Wednesday February 04, 2015 - 09:22:10 in by Burco Office
  • Visits: 686
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab oo weerartay saldhig boolis oo ku yaal magaalada Bosaso

    Kooxo ka tirsan Al-shabaab ayaa caawa soo weeraray mid kamid ah saldhigyada booliska ee magaalada Boosaaso. Saldhigga la weeraray oo lagu magacaabo Baalade wuxuu ku yaallaa dhanka koonfureed ee magaalada laga soo galo gaar ahaan xaafadda New Bosaso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo ka tirsan Al-shabaab ayaa caawa soo weeraray mid kamid ah saldhigyada booliska ee magaalada Boosaaso. Saldhigga la weeraray oo lagu magacaabo Baalade wuxuu ku yaallaa dhanka koonfureed ee magaalada laga soo galo gaar ahaan xaafadda New Bosaso

 

.Iska hor imaad xooggan islamarkaana laysu adeegsaday hub culus kaasoo soconayey muddo hal saac ku dhow ayaa dhex maray ciidamada booliska ee ku sugnaa saldhigga iyo kooxdii weerarka soo qaaday.


Weerarka waxaa lagu gubey mid kamid ah gaadiidka booliska waxaa sidoo kale lagu diley hal askari. Askariga geeriyoodey oo ka tirsan booliska markii hore waa la waayey balse saacad kadib ayaa meydkiisa laga helay meel wax yar ka durugsan saldhigga.

Waa markii labaad ee Al-shabaab weerar toos ah kusoo qaado saldhig boolis oo Boosaaso ku yaal, weerarkii ugu horreeyey ayaa dhacay bishii November ee sanadkii 2013, markaasoo kooxo ka tirsan Shabaabku sidan oo kale usoo weerareen xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso (Gaal-shire).

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli maanta magalaada Galkacayo lagu qarxiyey gaari uu la socdey xisaabiyaha wasaarada maaliyada ee gobolka Mudug, caawana toogasho lagu diley guddoomiyihii xaafadda Garsoor ee isla magaalada Gaalkacayo.

contact@afkashacabka.com