Madaxtooyadda Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadashay Mawqifkooda Dhulka Masalaha Hargaysa.

0
Wednesday February 04, 2015 - 11:00:24 in by salman abdi
  • Visits: 639
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyadda Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadashay Mawqifkooda Dhulka Masalaha Hargaysa.

    "Mucaaridka Waxa U Wanaagsan Inay Ka Tarjumaan Waaqaca Oo Ay Ka Run Sheegaan Xaqiiqada, Maadaama Oo Aan Xukuumadda Looga Baran Inay Dhagax Been Ah Meel Dhigto Waayo Dalka Kaligood Kuma Noola" Wasiirka Madaxtoyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Mucaaridka Waxa U Wanaagsan Inay Ka Tarjumaan Waaqaca Oo Ay Ka Run Sheegaan Xaqiiqada, Maadaama Oo Aan Xukuumadda Looga Baran Inay Dhagax Been Ah Meel Dhigto Waayo Dalka Kaligood Kuma Noola" Wasiirka Madaxtoyada

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa Waraysi dhinacyo badan taabanaya kaga hadlay, arrimo ay ka mid yihiin muranka dhul ee ka taagna deegaanka Masalaha ee koonfurta Magaalada Hargaysa, murankaasi oo u dhexeeya Guddida dadweynaha deegaanka iyo Ciidanka Qaranka oo xero ku lahaa halkaasi.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Wareysi siiyey Wargeyska Somalilandtoday, ayaa isaga oo ugu horeyn ka jawaabaya halka uu marayo xalka lagu dhamaynayo muranka dhul ee deegaanka Masallaha Hargeysa, waxa uu yidhi "Marka hore waxaan aad uga xumahay khilaaf kaas oo warbaahinta gaadhay, waxaanan qabaa in haatan la fahmay in aan loo baahnayn khilaaf noocan oo kale ah. Marka hore waxaan si weyn ugu mahad naqayaa Guddida iyo shacbiga deegaankaas Madaarka diyaaradaha iyo Xaafadda Masalaha oo aan aad ugu ammaanayo kaalintii wax ku oolka ahayd ee ay ka qaateen hawshii dayrka loogu samaynayay (Madaarka Hargeysa), laguna xadaynayay dhulka uu ku fadhiyo Garoonka Diyaaraduhu, waxaanay sameeyeen arrin ku dayasho mudan oo loo baahan yahay inay bulshada reer Somaliland ee kalena kaga dayato. Ta kale waxaad ogtahay inuu sharcigeenu si cad u tilmaamay inay Xukuumaddu masuul ka tahay guud ahaan dhulka dalka, awoodna u leedahay qorshayntiisa, bixintiisa iyo tilmaamidda sida loo isticmaalayo, Madaxweynuhu yahay hoggaamiya Qaranka iyo masuulka ugu sareeya Xukuumadda. Sidaa awgeedna waxaan kuu sheegaya in Madaxweynuhu go’aan ka gaadhay oo uu tilmaamay inuu dhulkaasi dan guud yahay, waxaa laga yeelaayo iyo taladiisuna ay ka go’do hoggaanka dalka oo ah Madaxweynaha”


 

 

Wasiir Xirsi oo sii hadlaya ayaa sheegay "Waxaan u sheegayaa cid alaale ciddii doonaysay inay halkaas ka faa’iidaysato oo ay dano kale oo ay leedahay iyo dad iska horkeen u adeegsato halkaas waxba kuma jiraan, Ciidanku waa Ciidankii Qaranka, dhammaanteen karaamo iyo sharaf ayuu inaga mudan yahay, odayaasha, Shacbiga, Madax-dhaqameedka, Guddida deegaankuna sidoo kale waxay mudan yihiin sharaf iyo qadarin, laba dhinac oo is qaban karana maaha, waa labadii u midoobi lahaa danta ummadda. Ugu danbayn waxaan ku sheegaya in Madaxweynuhu marwalba diyaar u yahay talada shacbiga iyo hay’adaha dawladda ee kale. Hawshaasi waxay ku dhammaanaysa si wanaagsan iyo go’aanka Madaxweynaha oo la ixtiraamo” ayuu yidhi. Waxaanu intaasi ku daray isaga oo ka hal celinaya su’aal laga waydiiyey sida uu u arko dhawaaqyadii xisbiyada Mucaaradku ku dhaliileen safarkii BUUR iyo BANNAAN ee Madaxwaynuhu ku soo maray gobollada iyo degmooyinka dalka "Mucaaridku waxay ka mid yihiin bulshadeenna, waxaana wanaagsan inay noqdaan kuwo ka turjuma waaqaca, kana run sheega xaqiiqada dhabta ah. Waayo dalka kaligood kuma noola ee waa inay ogaadaan inay joogaan shacbigii dalka iska lahaa oo iyaga ka badan, kuwaas oo deegaanada aanu maraynay iminka iyo markii horeba ku kala nool, oo jooga kana markhaati kacaya waxay indhahooda ku arkaayaan, xaqiiqaduna waxaa weeye Xukuumaddan dhaqan uma aha loogamana baran inay dhagax been ah dhigto, laakiin waxaa lagu yaqaan oo marag ma doon ah qof kasta oo caafimaad qabaana arkayaa mashariicda tirada badan ee ay ballan qaaday, ee ay dhagax dhigtay ee dhammaantood fulay, kuwa socda iyo kuwa la bilaabayo, dhawaana waxaanu soo bandhigi doona waxqabadkii Xukuumadda ee sanadkii tagay, ninkii markaa beeninaya ha yimaaddo.” ayu yidhi


Xigasho: Somalilandtoday