Madaxwaynaha omaliland Oo Tacsi U Diray Sheekh Hargeysa Ku Geeriyooday

0
Wednesday February 04, 2015 - 22:12:43 in by salman abdi
  • Visits: 667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha omaliland Oo Tacsi U Diray Sheekh Hargeysa Ku Geeriyooday

    Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweynaha Somaliland ayaa Tacsi u diray Wadaad ku geeriyooday Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweynaha Somaliland ayaa Tacsi u diray Wadaad ku geeriyooday Hargeysa.


Dhambaalka Tacsida Madaxwaynaha ayaa u dhignaa sidan "Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland guud ahaanba, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Sheekh Cumar Qawdhan Muxumed oo ku geeriyooday maanta 04/02/2015 magaalada hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay mujaahid miisaan culus ku dhex leh qaranka somaliland iyo shacbigaba, baal dahab ahna kaga jiray, una hibeeyey wakhtiyadii adkaa ee dalku ka soo gudbay maalkiisa iyo muruqiisaba, door muhiimana ku lahaa nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, sidoo kalena ka mid ahaa culimada waa weyn ee dalka.


waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbigaSomaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. 



Contact@afkashacabka.com