Masaajid Hargeysa ku yaalla oo nin Dhalinyaro ahi isku Dayey inu Dab Qabadsiiyo iyo Booliska oo Gacanta ku Dhigay Ninkaasi

0
Thursday February 05, 2015 - 08:27:53 in by salman abdi
  • Visits: 713
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masaajid Hargeysa ku yaalla oo nin Dhalinyaro ahi isku Dayey inu Dab Qabadsiiyo iyo Booliska oo Gacanta ku Dhigay Ninkaasi

    Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay nin dhallinyaro ah maanta isku dayey inuu dab qabadsiiyo Masaajid ku yaalla Suuqa Idaacadda, gaar ahaan qaybta dhismaha Xisbiga ee Caanaha u gaarka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay nin dhallinyaro ah maanta isku dayey inuu dab qabadsiiyo Masaajid ku yaalla Suuqa Idaacadda, gaar ahaan qaybta dhismaha Xisbiga ee Caanaha u gaarka ah.

Ninkan dhallinyarada ah ayaa Ragcaddii u dambaysay ee Salaaddii Duhur ee maanta dhinac walba Masaajidka kaga rusheeyay Gaas, hasa-yeeshee markii uu gudaha Masaajidka la galay Gaastaasi ayaa dadkii Tukanayey ka baxeen Salaadda isla-markaana gacanta ku dhigeen.

Xilliga la qabtey ninkan waxa dad goob-joogayaal ahi sheegeen inuu gacanta ku hayey Birikayga Sigaarka lagu shido oo uu doonayey inuu ku holciyo gaastii uu Masaajidka ku wareejiyey "Ragcaddii u dambeysay ee Salaadda ayaa lagu jiray. Dadku markii ay is-hayn kari waayeen ayay ka baxeen oo qabteen, isagoo markaa doonaya inuu Buluukeedka ku shido meeshii uu Baatroolkii ku Shubayā€¯ sidaa waxa sheegay qof goob-joogayaal ah.

Ilaa hadda lama oga ujeeddada dhabta ah ee ninkaasi ugu kacay falkaasi naxdinta leh, laakiin waxa dad aqoon u lahaa ninkaasi tilmaameen inuu muddo dheer kabaha ku baalashaynayey Masaajidka meel ku dhow. Booliska ayaa baadhaya kiiskan naxdinta leh ee ninkaasi ku kacay. 



Contact@afkashacabka.com