Safarkii aqoonta WQ: Eng Shaakir Mahamed AlI

0
Thursday February 05, 2015 - 15:23:43 in by Burco Office
  • Visits: 1225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safarkii aqoonta WQ: Eng Shaakir Mahamed AlI

    Safarkii aqoonta oo ka soo bilaamay magaalada burco waxa aanu ka soo baxanay magaalada burco 17/01/015 abaar 3,30 galabnimo waxa aanu soo gaadhnay magaalaada berbera oo nasiib u yeelatay in uu safarku ku nagaado muddo laba cisho ah oo aanu ku qaadana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safarkii aqoonta oo ka soo bilaamay magaalada burco waxa aanu ka soo baxanay magaalada burco 17/01/015 abaar 3,30 galabnimo waxa aanu soo gaadhnay magaalaada berbera oo nasiib u yeelatay in uu safarku ku nagaado muddo laba cisho ah oo aanu ku qaadanay magaalada berbera dhexdeeda iyo daafaheeda,

safarkaa oo aanu ku booqanay meelo badan oo muhiim ah sida dekada berbera ,rugta buugaagta ,dawlada hoose ,xarunta gobalka .xeebta batalaale iyo meelo kale oo badan waxa aanu kula kulanay dad gob ah oo aad iyo aad garaadkoodu u sareeyo intii aanu safarka ahayn waxa aanu ku aragnay magaalada berbera dad midaysan oo walaalo ah oo aan kale shaki kale socod midna lahayn waxa ay ahaayeen dad ka faqiirka ah iyo taajirku siman yahay dadka siyaasiga iyo ka aan siyaasiga ahaydni isku mid yahay dad ka shaqeeya iyo ka aan shaqayn aanad kale garanay oo ay isku mid yahiin ,

Waxa aanu ku aragay dad u diyaar garoobay in ay horumariyaan nafahooda iyo magaaladoodaba oo aad ka arki karto
Berbera waxa ay dheertahay magaalooyin kale oo ku caawiyey in ay gaadho guulo iyo waxtarba oo ay adeegsadeen maskaxda iyo muduqa dhalinta heer jaamacadeedka ah oo dhammaaanba la wareegay shaqadii xafiisyadda dowlada lana jaanqaaday aqoonta casriga ah
Haddii ay halkaa ka sii waddaan waxa aan aamin sanahay hal kay maanta marayso in ay meelka saraysa ay gaadhaan mooyaane in aanay meel ka hoosaysa ku soo dhicin doonin

Isku tiirsanaanta ,wadatashiga iyo isfahamku waxa uu saacidaa in uu horu marku soo degdego meel sarana la gaadho oo guulo badan la gaadho
Wixii aanu aragnay maaha wax maqaal laba iyo saddexba kusoo dhammaana laakiin waxa aan leeyahay reer berbera
Waad dadaalaysaan ee ha daalina waad guulaysan doontaan haddii allaah ka dhigo

 

Contact@afkashacbka.com