Madaxweynaha Zimbabwe Mugabe oo ku kufay Garoonka diyaaradaha Harare Ee Dalkaas

0
Thursday February 05, 2015 - 15:39:23 in by Burco Office
  • Visits: 721
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Zimbabwe Mugabe oo ku kufay Garoonka diyaaradaha Harare Ee Dalkaas

    Madaxweynaha dalka Zimbabwe, Robert Mugabe oo 90-jir ah dhawaanna loo doortay guddoomiyaha sannadkan ee ururka Midowga Afrika ayaa ku kufay roog loo fiidiyay garoonka diyaaradaha magaalada Harare ee xarunta ah, ka-gadaal markii uu dib ugu laabtay sha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Zimbabwe, Robert Mugabe oo 90-jir ah dhawaanna loo doortay guddoomiyaha sannadkan ee ururka Midowga Afrika ayaa ku kufay roog loo fiidiyay garoonka diyaaradaha magaalada Harare ee xarunta ah, ka-gadaal markii uu dib ugu laabtay shalay oo Arbaco ahayd Zimbabwe.

Wariye ka tirsan AFP ayaa la helay sawirro muujinaya Robert Mugabe oo tallaabadii ugu horreysay ee uu qaaday kaddib kufay oo ay garbaha qabanayaan xubno dawlada ka tirsan oo xilligaas garoonka kula sugnaa.

Robert Mugabe ayaa ka laabtay magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu kaga qeyb-galay shirkii madaxda Midawga Afrika oo isagu uu shir-guddoominayay.

Sidoo kale, madaxweynaha Zimbabwe ayaa ahaa madaxweynihii ugu da’da weynaa ee ka qaybgalay kulankii sannadkan ee hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika, isagoo kufay kaddib markii uu dhameystay warbixin safarkiisii Addis Ababa ku saabsan.


Mudane Mugabe ayaa markii la istaajiyay waxaa horay loo saaray gaarigiisii oo isla goobta ku sugnaa, lamana oga wax dhibaato ah oo kufka kasoo gaaray, sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wariyeyaashii xilligaas ku sugnaa garoonka.

Si kastaba ha ahaatee, Robert Mugabe oo ah hoggaamiye inta badan dhaleeceyn u jeediya dalalka reer galbeedka ah ayaa bishan waxay da’diisu noqonaysaa 91-jir, isagoo xukunka dalkaas la wareegay 22 bishii December 1987-kii.

Daawo Sawirkan 



Cabdirisaaq koronto

Burco/Office

conatct@afkashacabka.com