Dowladda Itoobiya oo sheegtay inay ciidamo dheeraad ah u dirayso Somalia

0
Thursday February 05, 2015 - 16:07:26 in by Burco Office
  • Visits: 685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Itoobiya oo sheegtay inay ciidamo dheeraad ah u dirayso Somalia

    Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in ay ciidammo dheeraad ah u dirayso Somalia, kuwaasoo qayb ka noqonaya ciidamadii horay uga joogay Soomaaliya ee ka midka ah AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in ay ciidammo dheeraad ah u dirayso Somalia, kuwaasoo qayb ka noqonaya ciidamadii horay uga joogay Soomaaliya ee ka midka ah AMISOM.

Wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA ayaa sheegtay in Itoobiya ay diyaarisay 600-askari oo loogu talo-galay in la geeyo Koonfurta Somalia magaalooyin ku yaallay, halkaasoo ay dhawaan ciidamadii dalka Sierra Leone ka socda ay isaga baxeen.

Sidoo kale, ENA ayaa sheegtay in magaalooyinka ciidamada la gaynayo ay ka mid tahay degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose iyo magaalooyin kale oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, inkastoo aan weli la sheegin magacyadooda.

Ciidamada Itoobiya ee la geynayo Kismaayo ayaa bedeli doona ciidamadii Sierra Leone ka socday oo Soomaaliya uga baxay markii waddankooda cudurka halista ah ee Ebola laga helay, lana diiday in ciidammo kale la keeno.

Dowladda Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan kumannaan askari oo qayb ka ah AMISOM, kana howlgala deegaanno ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

contact@afkashacabka.com