Qarax Miino Oo Ka Dhacay Xaafada Sheffield (Ex Aktoobar) Ee Magaalada Burco Iyo Dadweyanaha Xaafada Oo Eedaymo U soo Jeediyay Hay'adda HALLOW TRUST

0
Thursday February 05, 2015 - 17:32:58 in by Burco Office
  • Visits: 829
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Miino Oo Ka Dhacay Xaafada Sheffield (Ex Aktoobar) Ee Magaalada Burco Iyo Dadweyanaha Xaafada Oo Eedaymo U soo Jeediyay Hay'adda HALLOW TRUST

    Waxaa Mudooyinkii udanbeeyay ku soo badanaayay xaafada Shefeild (Octoper) ee magaalada Burco, Waxyeelada ay geystaan Waxyaabaha Qarxa ee ku aasan dhulka hoostiisa, Qarax ay sababeen waxyaalaha qarxa oo maanta ka dhacay xaafadaasi ayaa sababay dhaawac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Mudooyinkii udanbeeyay ku soo badanaayay xaafada Shefeild (Octoper) ee magaalada Burco, Waxyeelada ay geystaan Waxyaabaha Qarxa ee ku aasan dhulka hoostiisa, Qarax ay sababeen waxyaalaha qarxa oo maanta ka dhacay xaafadaasi ayaa sababay dhaawaca xoolo ka agdhawaa sidoo kalena dadweynaha xaafada Shefeild (octoper) ayaa Eedayn culus usoo

jeediyay Hay,ada HALLOW TRUST ee qaabilsan miino gurida

,vlcsnap-2015-02-05-05h02m33s237

Qaybta Booliiska Togdheer ee qaabilsan waxyaalaha qarxa oo goobtaasi qaraxu ka dhacay soo gaadhay ayaa ka warbixiyay qaraxani iyo waxyaalhii sababay. Sidoo kalena Gudoomiyaha Xaafada Shefeild (cooper) Marwo Qadan Cali Cawed iyo dadweynaha Xaafadaasi oo lahadlay saxaafada ayaa eedaymo culus usoo jeediyay Hay,ada qaabilsan miino baadhista ee HALLOW TRUST oo ay dadweynuhu ku dhaleeceeyeen inaanay waxba ka qaban xaafadani oo ay ka shaqaynayeen mudo kooban, waxayna dadweynuhu ay u mahadceliyeen qaybta Booliiska ee qaabilsan waxyaalaha qarxa oo aad ula shaqeeya

Ugu danbaytiina xildhibaan Mubarak yuusuf cilmi (Bidhi) oo saxaafadu wax kaweydiisay qaraxaasi ayaa aad ugu dhaliilay Hay,ada HALLOW TRUST, Wax ka qabasho la,aanta waxyaalaha qarxa oo maalinkasta ku soo kordhaaya xaafada Octoper isagoo kubaaqay in lala xisaabtamo hay,adaasi, Sidoo kalena waxa uu Xildhibaanku aad ugu mahadnaqay qaybta Booliska ee qaabilsan waxyaalaha qarxa,

Sikataba ha ahaatee hay,ada halow Trust ee qaabilsan miino baadhista kana shaqeysa gobolka togdheer ayaa ku guuldaraysatay inay badbaadiso khasaaraha naf iyo maalba leh ee markasta ay sababaan waxyaalaha qarxa.

 

vlcsnap-2015-02-05-05h03m08s84 vlcsnap-2015-02-05-05h03m34s65 vlcsnap-2015-02-05-05h03m53s9




cabdirisaaq koornto 

Burco.Office

conatct@afkashacabka.com