Nicholas Kay Oo Ka Dayriyey Mustaqbalka Siyaasadeed Ee Dalka Soomaaliya.

0
Thursday February 05, 2015 - 17:51:00 in by Burco Office
  • Visits: 680
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nicholas Kay Oo Ka Dayriyey Mustaqbalka Siyaasadeed Ee Dalka Soomaaliya.

    nairobi(afkashacabka)Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo ka hadlayay kulan gaar ah oo Qaramada Midoobey ka yeelatay Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalada guud,sida siyaasadda, ammaanka iyo qorsh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

nairobi(afkashacabka)Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo ka hadlayay kulan gaar ah oo Qaramada Midoobey ka yeelatay Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalada guud,sida siyaasadda, ammaanka iyo qorshaha hiigsiga sanadka 2016

Mr Kay ayaa muujiyay wal walka uu ka qabo dib u dhacyada siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, isagoo xusay in sanadkan 2015 uu yahay sanadkii go’aan gaadhista .Danjire Nicholas Kay ayaa uga qeyb galay shirka Qaramada Midoobey khadka la iska arko ee muuqaalka ah, wuxuuna xusay inuu ka qabo walaac xoogan gaadhista hiigsiga sanadka 2016, isagoo xusay in caqabadaha jira ay keeni karaan saameyn ka xun sanadkii la soo dhaafay

Mr Kay ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya u baahan tahay in dhinacyo badan laga caawiyo oo aan la dayacin, gaar ahaan kaalinta dhinaca bani’aadanimada oo uu xusay inay wali taagan tahay.Waxaa uu soo qaaday mushkiladaha siyaasadeed iyo khilaafyada soo noq noqday iyo in aan wali dawlad la soo dhisin, wuxuuna xusay in loo baahan yahay in caqabadaha taagan laga gudbo.

Ugu dambeyn Nicholas Kay ayaa ka hadlay hawlaha Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOM, isagoo xusay in dhawaan xafiis ka furanayaan magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, isla markaana ay xafiisyo ku leeyihiin magaalooyinka dalka.

conatct@afkashacabka.com