Kooxda Boko Haram oo Werar ay ku Qadeen Magalo Xadka ku Taal Ee Dalka Cameroon Ku Dilay 70 Qof

0
Thursday February 05, 2015 - 23:05:33 in by salman abdi
  • Visits: 400
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Boko Haram oo Werar ay ku Qadeen Magalo Xadka ku Taal Ee Dalka Cameroon Ku Dilay 70 Qof

    Magaalada uu weerarka ka dhacay waxa la yiraahdaa Fotokol waxayna ku taalaa xadka Cameroon ay la wadaagto Nigeria. Saraakiisha maxaliga waxay sheegeen in kaaxdu ay dad rayid ah ku weerartay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada uu weerarka ka dhacay waxa la yiraahdaa Fotokol waxayna ku taalaa xadka Cameroon ay la wadaagto Nigeria. Saraakiisha maxaliga waxay sheegeen in kaaxdu ay dad rayid ah ku weerartay

guryahooda iyo masaajidka waxayna intaasi ku dareen in kooxdu ay dab qabadsiisay dhismooyin badan.

Weerarka waxa uu dhacay maalin kaddib markii ciidamada gobolka ay sheegeen in kooxda Boko Haram ay ka saareen magaalo ku dhow maagalada Fotokol.

Weerarada Boko Haram ayaa waxa ku naf waayey kumanaan kun oo qof lixdii sano ee la soo dhaafay.

In ka badan laba milyan oo qof oo kale ayaa sidoo kale ku barakacay weerarada kooxdan oo gacanta ku haysa dhul ballaaran oo ku yaala waqooyi bari dalka Nigeria.

Dadka degaanka oo ay la hadashay wakaalada wararka ee AFP ayaa waxa ay sheegeen kooxda ay dad badan qoorta ka jartay.

Ciidamada Cameroon oo gacan ka helaya kuwa dalka Chad ayaa gu dambeyntii magaalada ka saaray kooxda

Talaadadii, ciidamada Chad ayaa waxa ay sheegeen in ay dileen 200 oo ka mid dagaalyahanada Boko Haram

Ciidamada Chad iyo kuwa dalka Cameroon ayaa ku biiray dagalka ka dhanka ah Boko Haram, kaddib markii ciidamada Nigeria si xoogan loogu eedeeyey in ay wax ka qaban waayeen kooxda.




Contact@afkashacabka.com