Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka ee Wadani Oo Ka Hadlay In Dorashadu Wakhtigada Ay Dhacdo

0
Friday February 06, 2015 - 14:15:12 in by salman abdi
  • Visits: 621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka ee Wadani Oo Ka Hadlay In Dorashadu Wakhtigada Ay Dhacdo

    Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo waraysi siiyay Telefisnanka HCTV, ayaa waxa uu sheegay in beesha caalamka iyo deeq bixiyeyaashu ay doonayaan in doorashooyi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo waraysi siiyay Telefisnanka HCTV, ayaa waxa uu sheegay in beesha caalamka iyo deeq bixiyeyaashu ay doonayaan in doorashooyinka Somaliland ay dhacaan wakhtiga ugu suurto-galsan.


Guddoomiye Cirro, waxa uu xukuumadda ku eedeeyay dib u dhacyo badan oo uu sheegay inay ku yimaaddeen diyaar-garowga qabsoomidda doorashada, kuwaasi oo uu sheegay in laga maarmi karayey.


 

 

 

Guddoomiyaha oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi "Dib-u-dhac badan oo laga maarmi karayey ayaa ku dhacay wakhtigii doorashada, dib u dhacyadaa kala dambeeyayna waxaan is leeyahay xukuumadda ayaa sabab u ahayd, hasa-yeeshee waxaynu dooranay guddi doorasho oo innaugu raagey, shaqadoodiina bilaabay, si wanaagsanna way u wadaan shaqadooda, waxa la rabay in wakhtigan ka hor diwaangelintu bilaabanto, laakiin intii Komiishanku yimaaddeen waxay bixiyeen qadaraasyadii la rabay inay diwaangelinta ka hor bixiyaan, waxaana hadhsan saxeexii qandaraasyadaasiā€¯

Mudane Cabdiraxmaan Cirro, waxa kale oo uu sheegay "Beesha caalamka ee doorashooyinka innaga taageera, xisbiyada iyo shacabkuba waxay doonayaan in doorashada wakhtigeeda lagu qabto ama wakhtiga ugu dhow ee suurto-galka ah ee ay ku qabsoomaysoā€¯ayuu yidhi.




Contact@afkashacabka.com