Nicholas Kay Oo Ka Digay caqabadaha Ka Dhalan Kara Hadii La Joojiyo Xidhiidhka Xawaaladaha Soomaalida Lacagta Ee Ka Timada Dalka Maraykanka

0
Friday February 06, 2015 - 14:19:17 in by salman abdi
  • Visits: 646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nicholas Kay Oo Ka Digay caqabadaha Ka Dhalan Kara Hadii La Joojiyo Xidhiidhka Xawaaladaha Soomaalida Lacagta Ee Ka Timada Dalka Maraykanka

    Wakiilkagaarka ah ee Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ka digey in dhibaato xoog leh oo ka dhalaneysa haddii dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool lagaxanibo in ay ehelkoodalacago ugu soo diraan Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilkagaarka ah ee Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ka digey in dhibaato xoog leh oo ka dhalaneysa haddii dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool lagaxanibo in ay ehelkoodalacago ugu soo diraan Soomaaliya.

Nicholas Kay ayaa sheegey in Malaayiin Soomaali ah noloshoodu ku xiran tahay lacagaha Xawaaladaha ee ehelkoodu u soo diraan, waxaana ka dhalan kara xanibaad loo geysto lacagaas, xaalad bini’adaanimo oo ku kacayso dhaqaale badan, oo lacagta xawaaladuhu dabooli jireen

Hay’adaha gar-gaarka ee Oxfam International iyo Adeso ayaa sheegaya in qiyaastii 1.3 Bilyan oo Dollar loo diro Soomaaliya kuwaas oo la marsiiyo Xawaaladaha.

Bangiyada dalka Maraykanka ayaa wada qorshe ay gebi ahaanba ku joojinayaan la shaqeynta Xawaaladaha Soomaalida, sidaas oo kale waxaa bilaabey qaar ka mid ah dalalka Yurub sida Sweden, Waxaana Bangiyada reer galbeedku ku doodayaan in Xawaaladuhu aysan soo buuxin sharciyaddii loo baahnaa. Mr Kay ayaa sheegaya in ay jiraan waddooyin iyo farsamooyin lagu badbaadin karo nidaamka Xawaaldda ee Soomaaliya.

Soomaaliya kama jirto Dowlad xoog badan oo leh nidaam dhaqaale oo fadhiya, Bangiga Dhexe iyo kii Ganacsiga ee Soomaaliya ayaa ah kuwo shaqasdoodu tahay mid aan dhaafsiisneyn Muqdisho, Waxaana Soomaali badan wadnaha farta ugu hayaan sida xaal noqon doono haddii la xanibo Koontooyinka Xawaaladaha.





Contact@afkashacabka.com