Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Ka Hadlay Rabshadaha Dhallinyarada Kuna Eedeeyay Xukuumadda

0
Friday February 06, 2015 - 14:26:58 in by salman abdi
  • Visits: 545
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Ka Hadlay Rabshadaha Dhallinyarada Kuna Eedeeyay Xukuumadda

    Guddoomiyaha guddida Cadaaladda Golaha Wakiilada Somaliland, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa hay'adaha amaanka ku dhaliilay inay ka gaabiyeen sidii ay u xakamayn lahaayeen dhalinyarada kooxaha isku disha, isla-markaana dhibaatooyinka u geys

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha guddida Cadaaladda Golaha Wakiilada Somaliland, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa hay'adaha amaanka ku dhaliilay inay ka gaabiyeen sidii ay u xakamayn lahaayeen dhalinyarada kooxaha isku disha, isla-markaana dhibaatooyinka u geysta bulshada.


Xildhibaan Siciid, ayaa sheegay in dhallinyarada rabshadaha sameeyaa ay sabab u tahay jaheyn la’aanta xukuumadda ee dhallinyarada ka soo baxaya jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee dalka. Waxaanu sheegay in aanay xal ahayn in awood ciidan loo adeegsado.

 


 

 

Xildhibaanka oo shalay la hadlay saxaafadda ayaa isaga oo arrimahaa ka hadlaya yidhi "Dhallinyaradeenii iskuulada ka soo baxayay iyo kuwii jaamacadaha ka soo baxay markay ku fashilantay inay jihayso oo shaqo ama barnaamijyo ku jihayso xukuumaddu, ileyn iyadaa ka masuul ah ayay dhalinyarida bannaanka u soo baxeen”

Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa sheegay "Markay dhallinyaradii banaanka u soo baxeen ayay xukuumaddiina tikniko gelisay iyo in xabad lala dhaco, taasina waa waxyaabaha la yaabka leh, waayo xabadi wuxuunbay sii kharibtaaye wanaag ma keento” ayuu yidhi.

Contact@afkashacabka.com