Rasmi : Xawaaladaha Soomaalida Ee Maraykanka Oo Xidhmay Iyo Samaynta Ay Yeelan doonto

0
Saturday February 07, 2015 - 16:57:39 in by Burco Office
  • Visits: 577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rasmi : Xawaaladaha Soomaalida Ee Maraykanka Oo Xidhmay Iyo Samaynta Ay Yeelan doonto

    Inta badan Xawaaladaha Soomaalida ee ku yaal dalka Mareykanka ayaa xoojiyay adeegyadii, kadib markii ay dhamaatay waqtigii uu u qabtay Bangiga la yiraahdo Merchant, kaasoo gacanta ku hayay 80% xisaabaadka xawaaladaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta badan Xawaaladaha Soomaalida ee ku yaal dalka Mareykanka ayaa xoojiyay adeegyadii, kadib markii ay dhamaatay waqtigii uu u qabtay Bangiga la yiraahdo Merchant, kaasoo gacanta ku hayay 80% xisaabaadka xawaaladaha.

Arrintan ayaa walaac xoogan waxaa ka muujiyay dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay inay saameyn ku keeneyso malaayiin ruux oo Soomaali ah, kuwaasoo lacago biilal dalka Mareykanka looga soo diro. Xawaaladaha intooda badan ayaa haatan joojiyey adeegyaddii ay bixinayeen, waxaana mudada uu horay u qabtay Bangiga ay ku ekeyd, lixdii bishan oo ku beegneyd maalintii shalay oo jimco aheyd.

 

Bangiga Merchant ayaa sheegay inuu ka cabsi qabo in uu hoggaasami waayo shuruucda lacagta ee dalka Maraykanka, waxa uuna sheegayaa in xawaaladaha soomalida aanay awoodin ay cadeeyaan halka ay ku dambeeyaan lacagaha ay xawilaan.

Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Nickolas Kay ayaa walaac ka muujiyay go’aanka uu bangigan ku joojiyay xiriirkii uu la lahaa xawaaladaha Soomaalida, isagoo xusay inay caqabad badan ku keeni doonto qoysas fara badan oo Soomaali ah oo tiirsan noloshooda biilasha dibadaha loogaga soo diro.

Oxam America ayaa ku qiyaastay lacagaha Soomaalida Mareykanku ay u soo diraan qoysaskooda ku nool Soomaaliya in sanadkii ay gaareeso $1.3 billion, Taasoo ka dhigeesa in lacagtaasi ay ka badan tahay laba u jibaar lacagaha Kaalmada ah oo ay dowlada Soomaaliya ka hesho

wadamada Shisheeye.Si kastaba ha ahaatee tallaabadan uu sameeyay bangigan ee uu ku xanibay xisaabaadkii xawaaladaha Soomaalida ee Mareykanka ayaa noqoneysa caqabadii u horeysay ee soo wajaha xawaaladaha ku yaal Mareykanka, inkastoo hore Bangiyo dhowr ah ay ku hanjabeen inay xirayaan xisaabaadka, balse markii dambe ay ka laabteen.

conatct@afkashacabka.com