Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland iyo Wafdigiisii oo ka Dhoofay Muqdisho (DAAWO SAWIRRO)

0
Saturday February 07, 2015 - 17:00:57 in by Burco Office
  • Visits: 782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland iyo Wafdigiisii oo ka Dhoofay Muqdisho (DAAWO SAWIRRO)

    Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho ayaa barqonimadii maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho ayaa barqonimadii maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Wafdiga madaxweynaha Puntland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kusii dhaweeyay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya, isagoo intii uu joogay Muqdisho kulammo kala duwan la yeeshay madaxda Somaliya

Kulan ay wadajir u qaateen madaxweynaha Somalia iyo madaxdii ka socday maamul-goboleedyada dalka ayaa laga soo saaray war-mutiyeed ay ka mid ahaayeen qodobbadiisa in shirkan kan xiga lagu qabto Garoowe oo xarunta Puntland ah.

Booqashada uu ku yimid Gaas Muqdisho ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu ku yimaado caasimadda Somalia tan iyo markii uu ku dhawaaqay sannadkii hore ee 2014-kii inuu xiriirka u jaray dowladda Somalia, kaddib markii uu ka carooday qorshaha maamul sameynta gobollada dhexe ee Somalia.

Dhanka kale, waxaa la filayaa inay iyaguna dib ugu laabtaan Kismaayo iyo Baydhabo, madaxweynayaasha maamullada Jubba, Axmed Madoobe iyo Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ahaa xubnihii ka socday gobollada ee Muqdisho kulmay madaxda dalka.

Ugu dambeyn, heshiiska dhexmaray madaxda Somalia iyo madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo koonfur-galbeed ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo lagu xoojinayo xiriirka dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada kale ee Somalia.

DAAWO Sawirada 




Muqdisho/Office

conatct@afkashacbnka.com