War Deg Deg Ah Wariye Siraaji Yuusuf Sugaal OO ka hawl gala vIdaacadda Kulmiye lagu dhaawacay Magaalada Gaalkacyo

0
Saturday February 07, 2015 - 18:08:59 in by Burco Office
  • Visits: 625
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah Wariye Siraaji Yuusuf Sugaal OO ka hawl gala vIdaacadda Kulmiye lagu dhaawacay Magaalada Gaalkacyo

    Degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa guur-dhow lagu dhaawacay wariye, Siraaji Yuusuf Sugaal oo ahaa wariyihii uga soo warrami jiray magaaladaas Idaacadda Kulmiye oo xarunteedu tahay Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa guur-dhow lagu dhaawacay wariye, Siraaji Yuusuf Sugaal oo ahaa wariyihii uga soo warrami jiray magaaladaas Idaacadda Kulmiye oo xarunteedu tahay Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in wariyaha ay ku dhacday xabbad ka baxsatay nin bastoolad sifey-sanayay, iyadoo la sheegay in xabbbadu kaga dhacday qaybaha sare ee jirkiisa, waxaana la geeyay isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo, halkaasoo lagu daweynayo.

Agaasime ku xigeenka idaacadda Kulmiye oo xarunteedu tahay Muqdisho, Burhaan Diini ayaa sheegay in weriyaha xabbaddu ku fakatay, balse uusan ahayn dhaawiciisu mid isaga lagu bartilmaameedsanayay.

Dhaawaca wariye Siraaji ayaa waxaa ka hadlay ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, iyagoo ugu baaqay maamulka Galmudug oo aan weli ka hadlin dhaawaca wari-yaha inay baaritaan deg-deg ah ku sameeyaan falka lagu dhaawacay wariyaha.

"Maamulka GALMUDUG oo ka taliya deegaanka wariyaha lagu dhaawacay waxaan ugu baaqaynaa inay baaritaanno deg-deg ah ku sameeyaan dhaawaca wariyaha iyo qaabkii uu u dhacay, ciddii ku lug lahaydna sharciga la horkeeno,” ayuu ku xoghayaha guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim war-saxaafadeed uu ururku soo saaray.

Ugu dambeyn, magaalada Gaalkacyo ayaa noqotay goobaha ugu khatarsan ee suxufiyiintu ka shaqeeyaan, iyadoo ay faraha ka sii baxayaan weerarrada lagu bar-tilmaameedsanayo wariyyeyaasha ka howlgala gobolka Mudug.

conatct@aflashacabka.com