Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Oo Kulan La Qaatay Madaxweynayaasha Madax Goboleedyada Jubland Iyo Koonfur Galbeed +SAWIRO-

0
Saturday February 07, 2015 - 23:00:04 in by salman abdi
  • Visits: 866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Oo Kulan La Qaatay Madaxweynayaasha Madax Goboleedyada Jubland Iyo Koonfur Galbeed +SAWIRO-

    Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si wadajir ah kulan ula qaatay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si wadajir ah kulan ula qaatay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed

,iyo Jabbaland,Xildhibaannada heer Federaal ee kala metela shacabka labada maamul goboleed,Odayaal Dhaqameedyo iyo dhalinyaro.

Kulankan oo ahaa mid wadatashi iyo is xog wareysi ah ayaa ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaana Gudoomiyaha Baarlamaanka oo shirka furay uu ugu horeyn uga mahad celiyey dhinacyada kasoo qeybgalay sida ay marti qaadkiisa u aqbaleen, waqtiga haray ayuu tilmaamay Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari inuu aad u gaaban yahay sidaasi daraadeedna looga baahan yahay shacabka labada maamul iney is cafiyaan oo ay gacmaha is qabsadaan islamarkaasina ay horey u socdaan ayadoo lagu dadaallayo midnimada dalka iyo muwaadiniinta.

 

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay inay tahay lagama maarmaan in la helo dib u heshiisiin dhab ah oo dhex marta shacabka ku dhaqan gobollada ay ka arimiyaan labada maamul goboleed iyo sidii la iskaga
kaashan lahaa arrimaha hormarinta, amniga, deris wanaagga iyo in si wadajir ah oo loo wada dhan yahay loo dhameystiro dhismaha maamulladan oo hada ah KMG.

Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Axmed Madoobe ayaa labaduba waxa ay faah faahin ka siiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo dhinacyadii kala duwanaa ee kulanka ka qeybgalay halka ay wax u marayaan, waxyaabaha u qabsoomay maamulladan KMGka ah iyo halka ay hiigsanayaan taasi oo ay
aad ugu riyaaqeen dhinacyadii kulanka kasoo qeybgalay ayadoo Xildhibaannada,Odayaasha
Dhaqanka iyo Dhalinyaraduna ay aragtidooda ka dhiibteen madasha islamarkaana ay soo dhaweeyeen tallaabada uu Gudoomiyaha Baarlamaanka isugu keenay hogaanka iyo dhinacyada metelaya labada maamul.


Gebagebadii kulanka waxaa la go’aamiyey in la sameeyo guddiyo Xildhibaanno,Odayaal dhaqameed, siyaasiyiin,ururrada bulshada rayidka ah ka kooban kuwaasi oo hubinayo in dhameystirka dhismaha maamul goboleedyadan koonfur Galbeed iyo Jubbaland ay noqdeen maamul goboleedyo dadka ay raali ka wada yihiin,loona wada dhan yahay.



Contact@afkashacabka.com