Wadanka Turkiga Oo Iskaga Baxay Shir Lagaga Hadlaayay Amaanka Bariga Dhexe iyo Deeranada Ku Xeeran

0
Saturday February 07, 2015 - 23:04:24 in by salman abdi
  • Visits: 682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadanka Turkiga Oo Iskaga Baxay Shir Lagaga Hadlaayay Amaanka Bariga Dhexe iyo Deeranada Ku Xeeran

    Mr Mevlut Cavusoglu ayaa saxaafadda u sheegay in uu ka baxay shirka markii loo yeedhay xubno matalaya Dawladda Yuhuuda in ay ka qaybgalaan shirka oo lagu soo hadal qaaday arrimaha Bariga dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mr Mevlut Cavusoglu ayaa saxaafadda u sheegay in uu ka baxay shirka markii loo yeedhay xubno matalaya Dawladda Yuhuuda in ay ka qaybgalaan shirka oo lagu soo hadal qaaday arrimaha Bariga dhexe.


 

‘’ Waxaan rabay in aan ka qayb qaato shirka balse waxaan go’aansanay in aan isaga baxno markii ay kusoo dareen qeybta looga hadlayay arrimaha Bariga dhexe kuwa matalaya Israel,’’ ayuu yidhi.


Xiriirka Turkiga iyo Israel ayaa xumaa tan iyo sanadkii 2010 kadib markii Ciidamada Israel ay weerareen markab laga leeyahay Turkey oo gargaar u soo waday marinka Gaza oo xilligaas ay cunoqabateyeen Yuhuuda.

 

Ilaa 9-turki ah oo u dhaq dhaqaaqa arrimaha xuquuqda aadanaha ayaa ku dhintay weerarka, waxaana ku dhaawacmay toban askari oo galbinaysay markabka.

Turkiga ayaa ah dawladda Islaamka keliya oo si cad uga hadla gumaadka Yuhuuda ku hayaan dadka reer Falastiin, waxayna dhawr jeer caalamka ku eedeysay in uu kasii jeedo falalka Dowladda Yuhuuda ku kacayso

Contact@afkashacabka.com