Al-shabaab oo sheegatay Mas'uuliyada weerarkii xalay lagu qaaday Magaalada Boosaaso

0
Sunday February 08, 2015 - 15:52:44 in by Burco Office
  • Visits: 545
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab oo sheegatay Mas'uuliyada weerarkii xalay lagu qaaday Magaalada Boosaaso

    Xarkada Al-shabaab ayaa sheegay weerar xalay lagu qaaday degmada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasoo lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada maamulka Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarkada Al-shabaab ayaa sheegay weerar xalay lagu qaaday degmada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasoo lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada maamulka Puntland.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerareen guri uu deggenaa taliye ku xigeenka ciidamada Puntland, Jen. Muxyadiin Axmed Muuse, isla markaana ay illaa afar askari oo Puntland ka tirsannaay ku dileen weerarkaas.

"Xoogagga Al-shabaab ee Puntland ku sugan xalay waxay fuliyeen weerar ay doonayeen inay qaarajiyaan taliye ku-xigeenka ciidamada Puntland,” ayaa lagu yiri warka Al-shabaab kasoo baxay.

Weerarka ayaa ahaa mid si aad ah looga dareemay magaalada Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga Puntland, iyadoo wararka laga helayo ay sheegayaan inuu ku dhintay weerarkaas hal askari ciidamada Puntland ka tirsan.

Taliye ku xigeenka ciidamada Puntland, Jen. Muxyadiin ayaa isku day dil oo ay ku qaarijin Al-shabaab ka badbaaday bishii Feberaayo 2013-kii, kaasoo lagula eegtay Gaalkacyo oo ah xarunta gobolka Mudug.

Si kastaba ha haaatee, weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Puntland ay dagaal adag la gashay bilihii lasoo dhaafay xoogagga Al-shabaab ee buuraha Galgala ku sugan, halkaasoo tan iyo sannadkii 2010-kii u ahayd saldhig ay kasoo duulaan.

conatct@afkashacabka.com