Qarax uu hal nin ku dhintay ooGoor dhaweeed ka dhacay meel ku dhow Isgoyska Hawlwadaag ee Magaalada Muqdisho

0
Sunday February 08, 2015 - 21:26:50 in by Burco Office
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax uu hal nin ku dhintay ooGoor dhaweeed ka dhacay meel ku dhow Isgoyska Hawlwadaag ee Magaalada Muqdisho

    Qarax xoogan, ayaa wuxuu goor dhow ka dhacay inta u dhaxeyso Isgoyska Hawlwadaag iyo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom. Qaraxaasi waxaa lagu weeraray Shaqaalaha Turkiga oo dhismo ka wado wadadaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax xoogan, ayaa wuxuu goor dhow ka dhacay inta u dhaxeyso Isgoyska Hawlwadaag iyo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom. Qaraxaasi waxaa lagu weeraray Shaqaalaha Turkiga oo dhismo ka wado wadadaasi.

Hal qof oo la shaqeynaayay Turkida, ayaa waxaa la soo sheegayaa in qaraxaasi uu ku dhintay, iyadoo tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Si sax ah looma garanaayo waxa dhabta ee dhaliyay qaraxaasi, balse waxaa loo fishay in uu ahaa mid loola dan lahaa Shaqaalaha Turkida oo dhismo ballaaran ka wada wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Wadada uu qaraxu ka dhacay, ayaa waxaa toddobaad ka hor dhagax dhigay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), si dayactir loogu sameeyo.Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska Degmada Hawlwadaag oo ku baxay wadada uu qaraxu ka dhacay, ayaa waxaa la soo sheegayaa in baaritaano ay ka wadaan.

Ururka Al Shabaab oo ka soo horjeedo mashaariicda uu Turkigu ka wado Magaalada Muqdisho, ayaa waxay xilliyada qaarkood ay ku qaadaan weeraro ka dhan ah.

muqdisho/Office

Contact@afkashacabka.com