Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Dhanbaal Tacsi U Diray Marxuum Saleebaan Xasan Cawad (Cube) Oo London Ku Geeriyooday.

0
Sunday February 08, 2015 - 23:09:12 in by salman abdi
  • Visits: 900
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Dhanbaal Tacsi U Diray Marxuum Saleebaan Xasan Cawad (Cube) Oo London Ku Geeriyooday.

    Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhanbaal Tacsi ah u diray geerida ku timi Marxuum Saleebaan Xasan Cawad oo London ku geeriyooday, sida lagu sheegay dhanbaalkaas oo nuqu kamid ah lasoo gaadhsiiyay Shabakadda wararka ee Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhanbaal Tacsi ah u diray geerida ku timi Marxuum Saleebaan Xasan Cawad oo London ku geeriyooday, sida lagu sheegay dhanbaalkaas oo nuqu kamid ah lasoo gaadhsiiyay Shabakadda wararka ee Somalilandtoday.com, kaas oo u dhignaa sidan.



REF: XK/GX/004120/2015 Date:8/2/2015

UJ : Tacsi

Waxaan aniga oo ku hadlaya magacayga, ka Hogaanka Xisbiga ka Guddiga fulinta iyo kan Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye tacsi u dirayaa cali saleeban (geenyo) ,qoyska reer saleebaan xasan,Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan shacbiwaynaha reer Somaliland Geeridii ku timid Marxuum: AXMED SALEEBAAN XASAN CAWAD (CUBO) oo ku geeriyooday Magaalada LONDON ee cariga ingiriiska , marxuumku wuxuu qayb laxaad leh ka soo qaatay halgankii xornimo doonka iyo halgankii dib u xoraynta dalka ee SNM.

Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu jannadii ka waraabiyo Eheladii ,asxaabtii iyo qaraabadiiba Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Mud. Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye