DHIBKAN WAAN KA BIXI KARAA WQ: BASHIIR XAAMUD

0
Tuesday February 10, 2015 - 11:41:14 in by salman abdi
  • Visits: 1120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHIBKAN WAAN KA BIXI KARAA WQ: BASHIIR XAAMUD

    Dhibaatoyin kii badnaa ee soo maray umada soomaliyeed ayaa waxay ku reebeen raadad badan oo kala duwan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhibaatoyin kii badnaa ee soo maray umada soomaliyeed ayaa waxay ku reebeen raadad badan oo kala duwan ,kuwaas oo saamayntooda laga dheehan karo,waxa haddamudooyinkan danbe soo kordhaaya tirada caruurta darbiyada jiifta ee ku dhibaataysan ,oo isticmaala sida waxyaalaha maanka dooriya ,fusuqa ,iyo dhibaatada ay bulshada kala kulmaan .

hadaba caruurta ayaa intooda badan waxa ay waalidiintoda ku waayeen dagaaladii sokeeye ee inoo soo maray iyo kala taga labada waalid
''Waa 13 jir ma haysto hooyo iyo aabe ugar-gaara wuxuu u hoydaa halkuu gabalku ugu dhaco, waxaana hoy u ah dariiqyada iyo goobaha xashiishyada, ma haysto waxa uu quuto iyo cid xanaanaysa waxaa uu u baryo tagaa huteelada iyo hadba meeshii uu cunto ka helaayo, magaca bulshada looga yaqaano ama loogu yeedho waxa loo yaqaana (DARBIJIIF /XABAGLE ) cidna uma maqna ceelna uma qodna waxa uu ku noolyahay nolol adag oo aad urafaad badan iska daa waxbarasho uu helo eh waxa uu la liitaa macaluul,mana haysto cid uu ku tiirsan yahay waxay dantuna ku kaliftay in uu miciin bado maandooriyaha loo yaqaan ( xabagta ) .''

waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku soo badanaaya magaalooyinka waaweyn ee dalka caruurta ku bayhooftay ama ku balanbashay dhibaatoyinka kala duwan ,waxaad arkaysaa ama indhahaagu qabanayaan caruurta yaryar ee hoos jiifta darbiyada iyo dhismayaasha burburay
caruurtan markaad aragto ayaa waxaad ka dareemaysaa dhibaatada xiligan soo foodsaartay waxayna kuu sheegayaan in maalinba maalinta ka danbeysa xaaladooda caafimad ka soo darayso

kuma koobna darbi jiifnimadu wiilasho oo kaliya balse waxaa jira iyana gabdho soomaliyed oo xabagta wax ka dhuuqa lana nool wiilasha darbi jiifka ah, gabdhahan ayaa iyaguna noloshooda dhibaatoyinka ay kala kulmaan bulshadooda ama wiilasha ay la nuugayso mandooriyahan kala kulanta sida kufsi,tacadi, jirdil walow ay marmarka qaar ay uur yeelato
caruurtan oo wiilal iyo gabdhaba leh aya waxay qaataan ama isticmaalan daroogada loo yaqaan ( koolada ) oo maankooda doorisa kaba sii daran arad iyo wasakh dharkooda inta uu soo dhaafay ayuu jidhkoodi usii gudbay, waxaa is waydiin mudan caruurtaas waalidkoodi waaba dayaceen si kasta oo ugu wacan eee miyaysan dawlad lahayn
cidna dabool kama saarna dhibaatada ay leedahay gabadh ama wiil darbijiif ah ee waxaa is waydiin mudan sidee baan uga bixi karnaa dhibkan .,.,.,.,.,.,?


W/Q Bashiir Xaamud
bashiir@live.de
063_4537412