"Shaqaalaha cabanayay wasaaradana may iman, anigana iimay iman, anagaa..."Wasiirka Hawlaha Guud

0
Tuesday February 10, 2015 - 19:52:42 in by salman abdi
  • Visits: 633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Shaqaalaha cabanayay wasaaradana may iman, anigana iimay iman, anagaa..."Wasiirka Hawlaha Guud

    Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay cabasho ka soo yeedhay shaqaalaha ka hawl-gala Wakaaladda Korontada Hargeysa, oo Axaddii dorraad bannaan-bax ka hor-sameeyey Xaruntaas,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay cabasho ka soo yeedhay shaqaalaha ka hawl-gala Wakaaladda Korontada Hargeysa, oo Axaddii dorraad bannaan-bax ka hor-sameeyey Xaruntaas,

 iyaga oo cabasho ka muujiyooyin mushaharooyin ay sheegeen inay ka maqan yihiin in muddo ah.

xukumada oo Wakaaladda Korontada ee Hargeysa dhawaan ku wareejisay ganacsato madax-bannaan, ayaa marka laga yimaaddo shaqaalaha ka cabanayey mushaharaadka ka maqan, waxa ku jiray shaqaale ka cabanayey Xuquuqo ka maqan iyo qaar sheegay in shaqada laga eryey.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Mud. Cabdiisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin eedaymaha loo soo jeediyey, wuxuuse ka dhawaajiyey heshiis dhexmaray xukuumadda iyo Ganacsatada lagu wareejiyey Wakaaladda Korontada ee Hargeysa.


"Shaqaalaha u shaqayn jiray wershadda korontada Hargeysa waxay ahaayeen shaqaale aad u badan, waxaa ku qoran heshiiska aanu la galnay shirkadaha iibsaday wershadda in shaqaalahani ay noqon doonaan shaqaalaha wershadda u shaqayn doona laakiin maadaama oo ay shirkadu tahay mid gaar loo leeyahay xaq u leedahay inay imtixaan ka qaado shaqaalaha, wixii awoodi waaya inay shaqeeyaana, ama aqoontii shaqadda looga baahnaa buuxin waayana inay dawladu xuquuqdooda siiso,” Sida waxa yidhi Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud oo u warramay Saxaafadda.

"Waxa kale oo heshiiska aanu shirkadaha la galnay ka mid ahaa in aanu shaqaalaha u bandhigno in kuwa iyagu doonaya inay iskood uga tagaan ama hawlgab ahaa in dawladu ay iyagana xuquuqdooda siiso, wax iska bedelayna ma jiraan. Shaqaalahanina waa shaqaale dawlada u shaqaynayay, duruuf kasta ha ku yimaadaan, tiradoodu si kasta ha u badnaato, marxalado ayay noqonaysaa, marka imtixaanka la qaado wixii shaqaale ah ee aqoontooda ama awoodoodu wadi waydo, xuquuqdooda ayaa la siinayaa, oo waa la dirayaa,” ayuu yidhi wasiirku, isaga oo intaas ku daray in maadaama oo ay shaqaale dawladeed ahaayeen in wejiga labaad ee qiimaynta shaqaalaha la siin doono Xuquuqdii ay dawladda ku lahaayeen.

Wasiirka oo la waydiiyay maadaama oo uu jiray heshiiskaasi hore ee ay shaqaalaha isku ogaayeen, waxa sababay in ay mudaharaadka sameeyaan, waxa uu ku jawaabay "Shaqaalaha cabanayay wasaaradana may iman, anigana iimay iman, anagaa wada hadalnay oo waxaan sameeyay guddi shan qof ka kooban, gudidiina waxay ii keeneen cabashadan ah laba bilood oo hore mushaharkaoodii ayaa naga maqan, waan baadhay, ka dib isla toddobaadkii dhamaaday ayaan u siidaayay lacagtii, Salaasadii, Arbacadii iyo Khamiistii ayaanay kala qaateen lacagahoodii oo ay u dhamaatay,” ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaas ku daray, "Ganacsatadu waxyaabihii ay heshiiska ku galeen ayay ka mid ahayd in imtixaan laga qaado shaqaalaha, runtii shaqaalahanina way ka duwan yihiin habka shaqaalaha dawladu ku yimaadaan, ma aha shaqaale ka diiwaangashan hay’ada shaqaalaha dawladda, mana aha dad laga qaaday imtixaankii ay hay’ada shaqaaluhu ka qaado shaqaalaha dawlada.”

Wershadda Korontada ee Hargeysa, ayaa lagu wareejiyey saddex shirkadood oo ay leeyihiin ganacsato muwaadiniin ah, kuwaas oo marka laysku daro yeelanaya mulkiyadda wershadda boqolkiiba 80 halka xukuumadduna ay ka yeelanayso boqolkiiba 20, waxaanay labada dhinac magacaabeen guddi ka kooban todoba xubnood oo loo xil-saaray inay u magacaabaan maamulka wershadda Korontada, kuwaas oo dhawaan la hawl-galiyey. 


Contact@afkashacabka.com