Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Yeeshay Kulankoodi Ugu Horeeyay.

0
Tuesday February 10, 2015 - 22:28:55 in by salman abdi
  • Visits: 644
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Yeeshay Kulankoodi Ugu Horeeyay.

    Muqdisho (afka) Golaha Wasiirada dalkaasi Soomaaliya, ayaa yeeshay kulankoodi ugu horeeyay, kadib intii ay ansixiyeen Golaha Barlamaanku, waxaana kulankaas shir gudoominayay Raysal Wasaaraha dalkaasi, Cumar Cabdirashiid Sharmaarke, sida lagu sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho (afka) Golaha Wasiirada dalkaasi Soomaaliya, ayaa yeeshay kulankoodi ugu horeeyay, kadib intii ay ansixiyeen Golaha Barlamaanku, waxaana kulankaas shir gudoominayay Raysal Wasaaraha dalkaasi, Cumar Cabdirashiid Sharmaarke, sida lagu sheegay War-saxafadeed ka soo baxay xafiiska Raysal

 Wasaaraha oo u dhigna isagoo dhamaystiran sidan.


"Waxaa alle mahadii ah inaan maanta yeelanay kulankii ugu horeeyey kadib markii shalay la dhaariyay, waxaana ka wadahadalnay arrimo dhowr ah oo ay ugu horeysay sidii ay Wasiiradu ula wareegi lahaayeen xafiisyada Wasaaradahooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar oo xusay in maalintiiba ay 5 wasaaradood xilka la wareegi doonaan si muddo todobaad ah loo soo afmeero xil wareejinta.

 

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sidoo kale xusay in guddi uu madax u yahay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda, Mudane Maxamed Cumar Carte, loo xil saaray kala wareejinta xilalka, iyadoo ay wasaarad walba wareejin doono wixii agab ah ee ay ku shaqayso haddii ay tahay hantida ma guurtada ah iyo tan guurta intaba, si horey loogu sii dhaqaajiyo howlaha qaranka.


Muqdisho/Office


contact@afkashacabka.com