Tahriibayaal Dhaxan ugu Dhintay Talyaaniga

0
Wednesday February 11, 2015 - 11:43:17 in by salman abdi
  • Visits: 664
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tahriibayaal Dhaxan ugu Dhintay Talyaaniga

    Ugu yaraan 29-qof oo tahriibayaal ah ayaa dhaxan awgeed ugu dhintay xeebaha dalka Talyaaniga,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 29-qof oo tahriibayaal ah ayaa dhaxan awgeed ugu dhintay xeebaha dalka Talyaaniga,

kuwaasoo la socday doonyo ay ka raaceen xeebaha dalka Liibiya.

Ciidamada badda Taliyaaniga ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen dooni in ka badan 100 qof oo tahriibayaal ah sidday oo kusoo dhawaatay jasiiradda Lampedusa.

Weli faah-faahin rasmi ah lagama bixin dalalka ay kasoo jeedaan dadkan ku dhintay xeebaha Talyaaniga, inkastoo la sheegay in intooda badna ay yihiin muhaajiriin ka tagey Afrika.

Warka Tahriibayaasha

Maaha markii ugu horreysay oo tahriibayaal ay ku dhintaan xeebaha dalka Talyaaniga, iyadoo ay horay ugu geeriyoodeen tahriibayaal badan oo isaga gooshayaya Qaaradaha Afrika iyo Yurub. 


Contact@afkashacabka.com