Xukuumada Somaliland oo Xabsiga Dhigtay Abukar Cawaale Qaad-diid oo 2 habeen kahor laga soo daayey Xabsi ku yaala Djibouti iyo CID- da oo su'alo waydiinaysa

0
Wednesday February 11, 2015 - 15:31:12 in by salman abdi
  • Visits: 1179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland oo Xabsiga Dhigtay Abukar Cawaale Qaad-diid oo 2 habeen kahor laga soo daayey Xabsi ku yaala Djibouti iyo CID- da oo su'alo waydiinaysa

    Ciidamada dabagalka iyo baadhista danbiyada ee loo yaqaano CID-da ee Somaliland ayaa goordhaweyd jeelka u taxaabay Abuukar Cawaale Qaadiid oo ah nin si weyn ugu ololeeya inay dadku joojiyaan cunista Qaadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dabagalka iyo baadhista danbiyada ee loo yaqaano CID-da ee Somaliland ayaa goordhaweyd jeelka u taxaabay Abuukar Cawaale Qaadiid oo ah nin si weyn ugu ololeeya inay dadku joojiyaan cunista Qaadka

Mr Qaad-diid oo dhawaan soo gaadhay magaalada Hargeysa ayaa ku hawlanaa qaban qaabada xaflado lagaga soo horjeedo cunista Qaadka taasoo lagu qaban lahaa Hotelka Maaan-soor ee magaalada Hargeysa habeenka uu Jimcuhu soo gelayo kaasoo loo balamiyey ilaa ku dhawaad 400 oo qof inay ka soo qaybgalaan xafadaasi.

ciidamada sirdoonkayaa la sheegay inay suuqa ka qabteen Mr Qaad diid waxaanu ilaa hadda ku xidhan yahay xarunta CID taasoo ay ciidamadu sida Baadiye loo xaqiijiyey su'aalo ku waydiinayaan,Mr Qaad diid waxay xukuumadda Somaliland ku eedaysay inuu taageerayey kooxdii Khaatumo ee burburtay waxaanay wararku sheegayaan in barta YOUTUBE-ka laga daawaday isaga oo taageeraya Khaatumo taasoo aysan Somaliland jeclayn isla markaana u aragto inuu yahay Khaatumo qarsoon oo wajiyo kale ku soo dhexgalaya Somaliland.

sida uu Baadiye u xaqiijiyey wasiirka Hawlaha guud iyo guriyeynta Cabdirisaaq Khaliif wali ninkaasi waxa uu ku jiraa gacanta ciidamada CID laakiin sida uu wasiirku sheegay waxay u badan tahay waan waan iyo wada hadalo uu isagu ka galay in la soo daayo balse waxaa loo sheegay inuu joojiyo qaban qaabadii xafladda uu ku qaban lahaa Hotelka Maan-soor ee lagaga sheekayn lahaa dhibaatada qaadka iyo mushkiladda uu bulshada ku hayo isla markaana uu dalka isaga baxo maalinta Sabtida soo socota inta ka horeysana aanu wax shaqo ah ku yeelan hawlihii uu ku hawlanaa ee arimaha qaadka iyo dhibaatadiisa.

"waxaa loo sheegayinuu joojiyo xafladii uu ku qaban lahaa Maan-soor ee uu kaga hadlayey Cunista qaadka isla markaaana ay iga ogolaadeen masuuliyiintii xidhay inay soo daayaan basle waxaa loo sheegay inuu maalinta Sabtida ah dalka ka baxo" ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha guud waxaanu intaa ku daray "waxay ii sheegeen inay Hotelkii uu daganaa ee Maan-soor ku soo celin doonaan aniguna waxaan u sheegay inaan anigu masuulka ahay inta uu joogo wixii uu la yimaado xafladiina sidaa lagu joojiyo" ayuu yidhi wasiir Khaliif.

dhanka kale waxaa isagana jeelka loo taxaabay wariye Axmed Jaamac oo ah Gudoomiyaha xafiiska Telefeeshinka SOMALI CHANEL ee Somaliland oo kamid ahaa dadkii uu ku soo dagay Abuukar Cawaale Qaadiid markii uu yimid Hargeysa isaga iyo dhalinyaro kale oo reer Hargeysa ahina ay doonayeen inay ka caawiyaan qabsoomida xafladaasi lagaga sheekayn lahaa cunista Qaadka iyo dhibaatada ka dhalatay markay dadku quutaan iyo sida uu bulshada Somalida ula hadhay.



Xigasho: Baadiya.com