Wasaarada Hawlaha Guud oo Xarun Nooceedu ku cusub yahay Dalka ka furtay Hargeysa

0
Wednesday February 11, 2015 - 15:50:37 in by salman abdi
  • Visits: 967
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Hawlaha Guud oo Xarun Nooceedu ku cusub yahay Dalka ka furtay Hargeysa

    xaflad balaadhan oo lagu daah-furayey xarunta hubinta tayada Gaadiidka Somaliland ayaa lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee magaalada Hageysa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

xaflad balaadhan oo lagu daah-furayey xarunta hubinta tayada Gaadiidka Somaliland ayaa lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee magaalada Hageysa,

munaasibadann oo ay dad badani ka soo qaybgaleen waxaa laga soo qaban qaabiyey xafiiskka wasaaradda hawlaha-guud iyo guriyeynta.

Masuuliyiinytii ka soo qaybgashay xafladaasi waxaa kamid ahaa wasiirka wasaaradda Hawlahaguud Cabdirisaaq Khaliif Axmed,wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal,wasiir ku xigeenka Hawlahaguud Cali Saa’iq,agaasimaha guud ee wasaarada Hawlaha guud,agaasimaha guud wasaaradda Ganacsiga,saraakiisha ciidamada wadooyinka,madaxada shirkadda WWIN IDC [Industry Developed Country oo ah shirkadda qaadatay qandaraaska hagaajinta gaadiidka iyo kantaroolkiisaba oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta isla markaana xafiisyo ku leh waddamada dunida qaarkood iyo dadweyne kale.

Furitaankii xafladaasi waxaa ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda Hawlahaguud Mukhtaar Maxamed Cali waxaanu codbaahiyaha ku soo dhaweeyey Wasiir ku xigeenka hawlahaguud Cali Cabdi Saa’iq waxaanu Mr Saa’iq ka waramay ujeedada xafladan iyo arimaha ku xeeran Gaadiidka Somaliand waxaanu sheegay inay haboontahay inaan gaadhiga marka uu xumaado uun laga shaqaynin balse ay haboontahay in markiisaba horaba laga warhayo xaaladiisa guud oo dhan "maaha inaad ku baraarugto uun marka uu gaadhigu kaa xumaado balse aa inaad hubiso inta aanu kaa xumaanin kahor” ayuu yidhi Mr Saa’iq.

Waxaanu ku taliyey inay dadka gaadiidka wadaa iska hubiyaan gaadiidka ay kaxaynayaan islamarkaana khataraha ka ilaaliyaan dadka raacaya gaadiidkaasi waxaa isaguna halkaa ka hadlay Mulkiilaha Geerash-aw-aadan Fu’aad Sheekh Cali waxaanu sheegay inay dadku gaadiidka ula yimaadaan iyaga oo cilad kaliya doonaya in looga daweeyo balse markay gaadiidka hoosgalaan ka farsamo-yaqaaniin ahaan ay 200 oo ciladuud ku arkaan waasida uu hadalka u dhigaye.

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay agaasimaha wasaaradda arimaha gudaha Cabdisamad waxaanu sheegay inay ka wasaarad ahaan iyagu ka eegayaan xagga amaanka dadka raacaya gaadiidka inta badan keena shilalka gaadiidka taasoo dadka dhibaato badan iyo amni xumaba ku haysa bulshada.

Agaasimaha wasaaradda Ganacsiga Maxames Sheekh Cumar oo isaguna halkaa hadlay dhibaatada ay birtu [gaadiidka] leedahay waxaanu soo qaatay Aayado Qur’aanka kariimka ah oo ka waramaya dhibaatada ay birtu leedahay iyo faa’iidada ay leedahay waxaanu xusay inay maamlgalin balaadhan ku bixinayso shirkaddan WWIN IDC taasoo 10 Milyan Dollar ku bixinaysa hagaajinta iyo hubinta gaadiidka Somaliland.waxaa isaguna madashaasi ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan waxaanu sheegay inay ka wasaarad ahaan soo dhaweynayaan daryeelka iyo hubinta lagu samaynayo Gaadiidka waxaanu xusay inay dadka ku wacyigelinayaan sidii ay bulshaduugu baraarugu lahayd muhiimadda uu mashruucani u leeyahay bulshada "anagu ka wasaarad ahaan waanu soo dhaweynaynaa furtaanka xaruntan iyo mashruucan shirkadda WWIN IDC” ayuu yidhi.

Mulkiilaha shrikadda WWIN IDC Sheekh Cabdiladiif waxaanu sheegay inay ka shirkad ahaan diyaar u yihiin inay dalka ku maalgaliyaan kharashka aan xagasare ku soo sheegnay taasoo uu rajeeyeyinay xukuumadda Somaliland iyo shirkaduba si wadajira uga shaqayndoonaan arimahaasi "anagu ka shirkad ahaan waxaanu diyaar u nahay inaanu waxbadan ka qabano tayeynta iyo hubinta Gaadiidka Somaliland ciladaha ku yimaada” ayuu yidhi Sheekh Ladiif,

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay wasiirka wasaaradda Hawlahaguud Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxaanu ka waramay nuxurka munaasibadani inuu yahay soo bandhigida iyo ku dhawaaqida xarunta lagu nidaaminayo arimaha aan soo sheegnay wasiirku waxa uu xusay inay wasaaradu horey shirkada ula gashay heshiis kaasoo ay wada saxiixeen labada dhinacba "maanta waxaan halkan ku daah-furaynaa hirgalinta xarunta tayeynta iyo hubinta gaadiidka Somaliland waxaana ka” ayuu yidhi wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Dhanka kalana wasiirku waxa uu sheega inay wasaaradu qaban doonto tababaro farabadan oo kor loogu qaadayo aqoonta dadka ka shaqeeya gawaadhida ee loo yaqaano Geerashleyda "wasaaradu waxay dhawaan qaban doontaa tababaro aanu kor ugu qaadayno aqoonta farsamada gaadiidka dadka ka shaqeeya ee Geerashlayaasha loo yaqaano” ayuu yidhi wasiirka wasaaraddaHawlahaguud iyo Guriyeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Hirgelinta xaruntan cusub ee lagu eegidoono tayada gaadiidka isla markaana lagu falaynqaynayo cilad saadirdda gaadiidka Somaliland qaybihiisa kaladuwan ayaa lagu wadaa inay waxbadan ka badalidooto mushkiladda gaadiidka oo khasaarooyin kaladuwani ka dhashaan kuwaasoo sabababa dhimasho iyo dhaawacyo fadabadan sanadkiiba. 



Contact@afkashacabka.com