Wiil iyo 2 Dumar ah oo lagu toogtay Dhismaha Jaamacad ku Taalla Maraykanka iyo Booliska Dalkaas oo Xaqijiyey

0
Thursday February 12, 2015 - 08:55:16 in by salman abdi
  • Visits: 658
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil iyo 2 Dumar ah oo lagu toogtay Dhismaha Jaamacad ku Taalla Maraykanka iyo Booliska Dalkaas oo Xaqijiyey

    Ciidamada booliska ee dalka Maraykanka, ayaa xaqiijiyay dhimashada Saddex qof oo dhallinyaro ah oo Muslimiin ah oo xalay niskii danbe toogasho lagu dilay dhisme ku yaalla Jaamacadda North Carolina, oo ku yaalla magaalada Chapel Hill - gobolka North C

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada booliska ee dalka Maraykanka, ayaa xaqiijiyay dhimashada Saddex qof oo dhallinyaro ah oo Muslimiin ah oo xalay niskii danbe toogasho lagu dilay dhisme ku yaalla Jaamacadda North Carolina, oo ku yaalla magaalada Chapel Hill - gobolka North Carolina ee dalka Mareykanka.

Ciidamada ammaanka ee Maraykanka ayaa sheegay in magacyada Seddexdan qof ee toogashada lagu dilay ay magacyadoodu kala ahaayeen Deah Shaddy Barakat iyo xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Yusor Mohammad, kuwaas oo ahaa 23 jirro, iyo gabadh 19 jir ahayd oo lagu magacaabi jiray Razan Mohammad Abu-Salha, waxaanay boolisku xuseen in dilkan toogashada ah loo qabtay nin 46 jir ah oo lagu magacaabo Craig Stephen Hicks, islamarkaana lagu raad joogo laba qof oo kale oo lala xidhiidhiyay dilkan.

 

Booliiska ayaa magacyada saddexdan ruux ee muslimka ah ku kala sheegay; Deah Shaddy Barakat iyo xaaskiisa Yusor Mohammad oo 23-jirro ahaa iyo gabar la dhalatay gabadha xaaska ahayd, Razan Mohammad Abu-Salha oo iyaduna 19-jir ahayd.

Saraakiisha booliiska North Carolina ayaa sheegay in toogashadan xalay xilligii dambe ay ka dhacday dhisme ay qoyskan muslimiinta ah kaga noolaayeen xarun waxbarasho. Iyadoo maydadka saddexdan qof ay kasoo saareen dhismihii lagu toogtay.

Deah Barakat was a dental student at UNC who worked for a charity giving dental care to Palestinian children and refugees

Deah Shaddy Barakat, oo ka mid ahaa Seddexdan qof ee toogashada lagu khaarajiyay, ayaa lagu soo waramayaa in ahaa dhakhtar culuunta caafimaadka ka baranayay Jaamacada Jaamacada North Carolina, halka gabadha kalena ay ahayd ardayad Jaamacadaa ka baranaysay aqoonta nashqadeynta jardiinooyinka iyo farshaxanka deegaanka.


Contact@afkashacabka.com