Maxkamadda Gobolka Sanaag Oo Dil Ku Xukuntay Nin Dilay Gabadh

0
Thursday February 12, 2015 - 11:30:55 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Gobolka Sanaag Oo Dil Ku Xukuntay Nin Dilay Gabadh

    Maxkamadda Gobolka Sanaag ayaa dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiigle Siciid Cabdi Jaamac, ka dib markii ay maxkamadda horteeda kaga cadaatay in uu si badheedh ah u dilay marxuumad la odhan jiray Khadra Xaashi Xasan 4-tii bishii koowaad ee sana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Gobolka Sanaag ayaa dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiigle Siciid Cabdi Jaamac, ka dib markii ay maxkamadda horteeda kaga cadaatay in uu si badheedh ah u dilay marxuumad la odhan jiray Khadra Xaashi Xasan 4-tii bishii koowaad ee sanadkan 2015, isaga oo dilkaasi ka gaystay gacan ku dhiigluhu deegaamo ka tirsan degmada Darar weyne ee gobolka Sanaag.


Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Sanaag Aadan Jaamac Saleebaan ayaa shalay kaga dhawaaqay fadhi ay yeelatay maxkamadu dilkan lagu xukumay gacan ku dhiiglaha, Waxaanu yidhi "Maxkamadda gobolka Sanaag waxay maanta oo taariikhdu tahay 11kii bisha labaad 2015 dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiigle Siciid Cabdi Jaamac oo 17 jir ah. ka dib markii maxkamadda horteeda kaga cadaatay in uu si badheedha qudha uga jaray aayadii ruma Khadra Xaashi Xasan 4tii bisha koowaad 2015”.

Aadan Jaamac Saleebaan, oo faahfaahin ka bixinayay qodobadda ay maxkamdu u cuskatay xukunka ninkaasi waxa uu yidhi "Maxkamaddu wxay dilkan u cuskatay Suuratul Baqra aayada 177 ilaa 178 iyo qodobada 434 iyo 24 ee xeerka ciqaabta guud iyo qodobada 120, 121, 123, 184 iyo 164 xeerka habka ciqaabta.”

contact@afkashacabka.com