Daawo: Golaha Dhaqanka Buuhoodle oo Si ballaadhan loogu Soo Dhoweeyey Hargeysa iyo Wasiiro ka qaybgalay So Dhoweyntooda

0
Thursday February 12, 2015 - 17:21:45 in by salman abdi
  • Visits: 1097
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Golaha Dhaqanka Buuhoodle oo Si ballaadhan loogu Soo Dhoweeyey Hargeysa iyo Wasiiro ka qaybgalay So Dhoweyntooda

    Waxa maanta Caasimada Somaliland ee Hargeysa si weyn loogu soo dhaweeyey Madaxda Dhaqanka ee Buuhoodle oo ka kooban 11 Caaqil iyo 4 Oday, kuwaasi oo wasiirka wasaaraqdda Caafimadka Mudane Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) uu kaga hortegay Degmada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa maanta Caasimada Somaliland ee Hargeysa si weyn loogu soo dhaweeyey Madaxda Dhaqanka ee Buuhoodle oo ka kooban 11 Caaqil iyo 4 Oday, kuwaasi oo wasiirka wasaaraqdda Caafimadka Mudane Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) uu kaga hortegay Degmada Beer ee gobolka togdheer, una soo gelbiyey dhinaca Caasimada Somaliland, ayaa waxa iyaguna saaka subaxnimadii hore kaga hortegay dhinaca bari ee caasimada HARGEYSA, Wasiirka Madaxtooyada JSL, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ay wehelinayaan wasiirka Hawlaha guud iyo Gaadiidka, Cabdirisaaq Khaliif, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha, Cismaan Garaad Soofe iyo Masuuliyiin kala duwan oo kale.

Waxaana loogu  nasiyey weftigaasi balaadhan hotel Kaah ee HARGEYSA waxaana halkaasi ka hadlay ugu horaynba Badhasaabka Buuhoodle, Wasiirka Caafimkaadka iyo Wasiirka Madaxtooyada, hadaladoodiina waxa ka mid ahaa sidan:-

Badhasaabka buuhodle:-  "wasiirada, saxaafada,isimada iyo dhamaan cuqaasha gobolka buuhodle waan idin salaamayaa,  halkan waxaan ku fadhinaa dhamaan odayaashii iyo cuqaashii gobolka buuhoodle oo cidna kama maqna waxaanan aad ugu mahadcelinayaa wasiirada sida diiran noosoo dhaweeyey ”

Wasiirka wasaarada caafimaadka: "waxaan soo dhaweynaynaa  cuqaasha buuhoodle oo habeen hore ka soo anbabaxay buuhoodle una socda  in ay wax ka qabtaan nabada iyo mushkuladaha ka taagan eeriyada buuhoodle, waxaana uu imaatinkoodan ama booqashadoodani salka ku haysaa wakhtigii caana shubkii  shir ka dhacay buuhodle oo ay isku arkeen salaadiiinta, garaadada iyo cuqaashu beelaha kala duwan ka soo jeeday  buuhoodle  ay iskugu yimaadeen oo lagu heshiiyey in si buuxda loo dhamaystiro nabada  balankaasi ayuu socodkoodu salka ku hayaa, nabadu waa muhiim, odayaasha iyo cuqaashuna iyagaa ah furaha nabada,

waa wefti aad u culus waa wafti aanu hore noociisu u iman hargaysa  waa waftigii ay ka go’aysay nabada iyo talada deegaanka  buuhoodle waxaan illaahay ka baryayaa ina ay la noqdaan guul iyo in ay gaadhaan hadafkooda nabadeed ee ay ku socdaan waan idin soo dhaweynaynaa xukuumad ahaana waan idin la qabanaynaa wax allaale wixii aan idinla qaban karno ee nabada ku saabsan barbarkiina ayaanu taaganahay waxaan halkan uga mahadnaqayaa salaadiinta reer togdheer ee soo galbisay ee soo dhawaysay aad baan iyagana ugu mahadinayaa soo dhawayntooda, magaaladiinii ayaad timaadeen dadkiinii ayaad u timaadeen "

Wasiir Madaxtooyada xirsi: "saaladiinta, cuqaasha  iyo madaxdhaqameedka kala duwan, cida soo dhawaysay iyo kuwa la soo dhaweeyeyba annaguna dawlad ahaan waan idin soo dhaweynaynaynaa waxaan leenahay dalkiinii iyo dadkiiniiba ku soo dhawaada  nabada, wanaaga iyo wixii ay odayadu la socdeenba insha allah tacaala waanu ka gudoomaynaa waana ku galbinayna waa jecelnahay   runtii  cidii wanaag iyo nabad ka shaqaynaysa hadii illahay ka dhigo kolay waynu wada fadhiisan oo wadahadli oo is arki  wixii duruuf jira iyo xaaladana iska waraysan insha allah.

 wixii suurta gal ah ee arrimaha laga qaban karo ee nabada laga qaban karo diyaarbaanu u nahay dawlad ahaan wixii loo baahan yahay in laga qabto kolayba madaxweynaha waad la kulmi doontaa  waad arki doontaan waxaan leenahay dhamaantiin soo dhawaada  hadal badan oo kale halkan ka odhan mayo  wasiirkii iga horeyey ee saaxiibkay saleebaanbaa halkan ka sheegay inay odayaashii ugu muhiimsanaa yihiin ee gobolka jogay dabcan iyaga iyo garaadadii iyo odayaashii kale dhamaantood intii nabad iyo wanaaag ka shaqaynayasa  iyo intii horumar ka shaqaynaysa iyo intii wada wixii dhaqan ahaan jiray annana waan soo dhawaynaynaa.

 odayaasha reer togdheer ee soo galbiyey iyana waan soo dhawaynaynaa aad bay ugu mahadsanyihiin cidkasta o ka shaqaysa dadka isu soo dhawayntiisa iyo nabadiisa iyo wadajirkiisana aad iyo aadbaan u soo dhawaynaynaa waxaa annaga dawlad ahaan noo sada dadkayaga oo wanaagsan iyo dalkayaga oo wanaagsan ayaa noo sada.

waxaananu jecelnahay runtii oo aanu aad iyo aad u qadarinaynaa socodka dheer ee ay odayaasha iyo cuqaashu  u soo mareen inay nabad iyo wanaag dhaliyaan u soo maray jidkaa dheer waxaanu leenahay soo dhawaada"

 

ALLAA MAHAD LEH