Hay'adda Culimada Soomaaliyeed Oo Ku Baaqday In Shuruud La'aan Lagu Joojiyo Dagaalka Guriceel

0
Friday February 13, 2015 - 13:11:00 in by Burco Office
  • Visits: 739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Culimada Soomaaliyeed Oo Ku Baaqday In Shuruud La'aan Lagu Joojiyo Dagaalka Guriceel

    Hay'adda culimada Soomaaliyeed ayaa ku baaqday in si shuruud la'aan ah lagu joojioo dagaalka ka jira degmada Guriceel ee gobalka Gal-gaduud, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlu-sunna Waljameeca.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda culimada Soomaaliyeed ayaa ku baaqday in si shuruud la'aan ah lagu joojioo dagaalka ka jira degmada Guriceel ee gobalka Gal-gaduud, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlu-sunna Waljameeca.


Gudoomiyaha Hay’adan Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo marti ku ahaa barnaamijka Codka culimada ee Goobjoog Fm, ayaa sheegay in dhinacyada dagaalamaya looga baahan yahay in xalka ay eegaan oo dagaalka joojiyaan.

Waxa uu sheegay in dagaaladaan ay yihiin kuwo dan ah oo aan ku jirin maslaxadda umadda Soomaaliyeed, waxaana uu ku baaqay in nabadda la qaato.

Sheekh Bashiir ayaa dhinaca kale ka hadlay arimaha Federaalka, waxaana uu sheegay in uu yahay nidaam dhib soo kordhiyay, islamarkaana aanu ahayn nidaam loogu tala galay in lagu maamulo dad isku mid ah.

Degmada Guriceel ee gobalka Gal-gaduud waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlu-sunna, waxaana ka dhashay qasaare nafeed iyo mid hantiyeed intaba.

contact@afkashacabka.com