Daawo Masuuliyin Tacsi diraya kana warramaya Taariikh Nololeedkii Marxuum Maxamud Maxmed Jamac Gaadhijiid

0
Tuesday March 25, 2014 - 17:18:58 in by Super Admin
  • Visits: 1532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Masuuliyin Tacsi diraya kana warramaya Taariikh Nololeedkii Marxuum Maxamud Maxmed Jamac Gaadhijiid

    Marxuum Maxamuud Maxamed Jaamac Gurey (Gaadhi-jiidh) oo hadda ahaa Guddoomiyaha beelaha Habar-jeclo, ayaa ka soo jeeday qoys caan ka ah gobolka Sanaag,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marxuum Maxamuud Maxamed Jaamac Gurey (Gaadhi-jiidh) oo hadda ahaa Guddoomiyaha beelaha Habar-jeclo, ayaa ka soo jeeday qoys caan ka ah gobolka Sanaag,


Marxuum Gaadhi-jiidh, ayaa waxa aaskiisa ka qayb-galay boqollaal dadwaynaha ah oo isaga kala yimid gobollada iyo degmooyinka Somaliland, kuwaasi oo ka mid ahaayeen masuuliyiinta xukuumadda Somaliland, sida wasiirka duulista, Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Wasiirka Macdanta, Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, Maamulka Gobolka Togdheer iyo ka degmada Burco iyo masuuliyiin kale oo door ah, waxayna dhammaantood ka sheekeeyeen taariikh nololleedkii Marxuum Gaadhi-jiidh, iyaga oo ku sifeeyay Odey dhaqameed hal-adeyg iyo go’aan leh.

Marxuum Maxamuud Maxamed Jaamac Gurey (Gaadhi-jiidh) oo hadda ahaa Guddoomiyaha beelaha Habar-jeclo, ayaa ka soo jeeday qoys caan ka ah gobolka Sanaag, isaga oo marxuumku intii uu noolaa uu ahaa shaqsiyad ku suntan hawl-karnimo, isagoo caan ku ahaa isku soo jiidka iyo isku haynta bulshada reer Somaliland.

Marxuum Gaadhi-jiidh ayaa Alle ha u naxariistee waxa uu dhashay 1943-kii, isaga oo sanadkii 1958-kii noqday ardaygii ugu horeeyay ee lagu furay dugsiga Dayaxa ee gobolka Sanaag, waxaanu sanadkii 1965-kii ka baxay dugsiga Sheekh, isagoo markaa ka dibna noqday Agaasimihii wasaaradda Duulista hawada ee Soomaaliya ee Magaalada Hargeysa.

Marxuumka ayaa sanadkii 1975-kii loo bedalay Magaalada Xamar, balse shaqadii wasaaradda duulista ayuu isaga tagay, isaga oo tagay dalalka Khaliijka, waxaanu halkaasi dib uga soo laabtay 1982-kii, waxaanu isla sanadkaasi Magaalada Ceerigaabo ka abaabuley kooxdii ugu horeysay ee Macalimiin iyo aqoonyahano ah ee ku biirta SNM, waxaana Macalimiintii wakhtigaasi uu ka abaabulay Ceerigaabo si ay SNM ugu biiraan ka mid ahaa Mujaahid Hure, Gurey Dawaare, Talaabo iyo Maxamed Jigraale.

Markii SNM dalka gudaha u soo gashay sanadkii 1984-kii, waxa uu ka mid ahaa raggii aasaasay guutadii ciidamadii Faqashtu u bixisay Guutada Koofiyadda Cas, waxaana guutadaasi ka mid ahaa Maayarka hadda ee Magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur.

Marxuum Gaadhi-jiidh iyo raggii kale ee aasaasay guutadaasi, ayaa markii dagaalkii Buuruhu dhamaaday ee SNM ku noqotay fadhiisimadoodii Itoobiya, waxa qabtay ciidamada SNM ee gobolka Sanaag joogay, waxaana loo qaaday Xamar, iyada oo rag uu ku jiray lagu xukumay min 25 sanadood oo xadhig ah, hasa-yeeshee waxa la soo daayey 1986-kii.

Alle ha u naxariistee, Marxuum Gaadhi Jiidh waxa uu ka mid ahaa waayeelkii ka shaqeynayey nabadeyntii beelaha Habar-jeclo iyo Dhulbahante 1991-kii, 1992-kiina waxa uu ka mid ahaa waayeelkii nabadeyntii Shimbiraale, halka uu sanadkii 1993-kiina ka mid ahaa  waayeelkii waday nabadeyntii beelaha Sanaag. Marxuumka ayaa imika ahaa Guddoomiyaha beelaha Habar-jeclo, waxaana lagu doortay shir ka dhacay Gar-adag.






Afkashacabka.com

Burco /Office

Contact@afkashacabka.com