"Cid Kasta Oo Ka Shaqaysa Dadka Isku Soo Dhaweyntiisa Annagu Waanu Soo Dhaweynaynaa". Wasiirka Madaxtooyada Oo Ka Dareen Celiyay Waftigii Cuqaasha Buhoodle.

0
Friday February 13, 2015 - 17:38:23 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Cid Kasta Oo Ka Shaqaysa Dadka Isku Soo Dhaweyntiisa Annagu Waanu Soo Dhaweynaynaa". Wasiirka Madaxtooyada Oo Ka Dareen Celiyay Waftigii Cuqaasha Buhoodle.

    Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa ka dareen celiyay waftigii ballaadhna ee Cuqaasha Buhoodle, oo shalay Hargaysa lagu soo dhaweeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa ka dareen celiyay waftigii ballaadhna ee Cuqaasha Buhoodle, oo shalay Hargaysa lagu soo dhaweeyay.

 Wasrii Xirsi wuxuu sheegay inay Xukuumad ahaan soo dhawaynayaan cid kasta oo nabadda iyo isku xidhka bulshada ka shaqaysa. Sidaana wuxuu ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartuu ku leeyahay Internetka ee Guusha.com, qoraalkaas oo dhammaystiran ayaa u dhignaa sidan.

buhod

"Waxay ahayd shalay kadib markii Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa si weyn loogu soo dhaweeyey Madaxda Dhaqanka ee Buuhoodle oo ka kooban 11 Caaqil iyo 4 Oday

Saaladiinta, cuqaasha iyo madaxdhaqameedka kala duwan, cida soo dhawaysay iyo kuwa la soo dhaweeyeyba annaguna ka dawlad ahaan waan soo dhaweynaynaynaa waxaanan leenahay dalkiinii iyo dadkiiniiba ku soo dhawaada

Nabada, wanaaga iyo wixii ay odayadu la socdeenba waanu ka gudoomaynaa waanan ku galbin doonaa Insha Allahu , runtii waan jecelnahay cidii wanaaga iyo nabada ka shaqaynaysa si weyn ayeynu u kulmi wixii duruuf jira iyo xaaladana dalkana iska waraysan Insha Allah.

wixii suurta gal ah ee arrimaha laga qaban karo oo ay nabada iyo horumarku uugu muhiimsan yihiina diyaarbaanu u nahay ka dawlad ahaan wixii loo baahan yahay in laga qabto, kolayba madaxweynahana way la kulmi doonaan waanay arki doonaan waxaan leenahay dhamaantiin soo dhawaada

Waxaan ogsoonahay in aad tihiin odayaashii ugu muhiimsanaa ee gobolka jogay, waanan qirsanahay in aad kaalin mugle kaga jirtaan ilaalinta nabadgelyada iyo horumarinta hanaanka dawladnimada, intii nabad iyo wanaaag ka shaqaynayasa iyo intii horumar ka shaqaynaysa iyo intii wadda wixii dhaqan ahaan jiray annana waan soo dhawaynaynaa.

odayaasha reer togdheer ee soo galbiyeyna iyana waan soo dhawaynaynaa aad bay ugu mahadsanyihiin cidkasta o ka shaqaysa dadka isu soo dhawayntiisa iyo nabadiisa iyo wadajirkiisana aad iyo aadbaan u soo dhawaynaynaa waxaa annaga dawlad ahaan noo sada dadkayaga oo wanaagsan iyo dalkayaga oo horumara

waxaananu jecelnahay runtii oo aanu aad iyo aad u qadarinaynaa socodka dheer ee ay odayaasha iyo cuqaashu u soo mareen inay nabad iyo wanaag dhaliyaan una soo maray jidkaa dheer waxaanu leenahay soo dhawaada


Wa Bilaahi Tawfiiq


contatct@afkashacabka.com