Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Shacabka Jabuuti Ka Tacsi Yadeeday Geerida Ku Timi Guddoomiyhii Baarlamaanka Dalkaas.

0
Friday February 13, 2015 - 18:18:44 in by Burco Office
  • Visits: 503
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Shacabka Jabuuti Ka Tacsi Yadeeday Geerida Ku Timi Guddoomiyhii Baarlamaanka Dalkaas.

    Guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi ayaa shacabka iyo dawladda Jamhuuriyada Jabuuti ka tacsiyadeeyay Geerida ku timi Guddoomiyihii Baarlamanaaka Dalkaas oo ku geeriyooday dalka Kenya, sidaana waxaa lagu sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi ayaa shacabka iyo dawladda Jamhuuriyada Jabuuti ka tacsiyadeeyay Geerida ku timi Guddoomiyihii Baarlamanaaka Dalkaas oo ku geeriyooday dalka Kenya, sidaana waxaa lagu sheegay

war-saxafadeed nuqul kamid ah la soo gaadhsiiyay Shabakadda Wararka ee afkashaacabka.com, wuxuuna u dhigna sidan.


XISBIGA MIDNIMADA & HORUMARINTA SOMALILANS
(KULMIYE)
Address: Jigjigayar, Ibrahim Kodbur District, Hargesia Somaliland.
Tell: 00252-2-527883
Mobile: 00252-2-4134891
Email: kulmiye_party@hotmail.com/Website: www.kulmiye.com/www.kulmiye.org

REF: XK/XGX/0042069/2015 Date:11/02/2015

Ujeeddo; Tacsi Gudoomiye
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , ka hogaanka xisbiga, Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Dawlada Djabouti iyo shacbigeeda gaar ahaana Baarlamaanka dalka Djabouti iyo Madaxwaynaha dalka Djabouti Md, Ismaaciil Cumar Geele, isagoo ka tacsiyaynaya geerida ku timi gudoomiyihii Baarlamaanka Djabouti marxuum Idiris Arnoud Ali.
Wuxuu Alle uga baryayaa inuu marxuumka janadii fardawsa ka waraabiyo.
ALLAH MAHAD LEH

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Md. Muuse Biixi Cabdi