Xildhibaan Qabile Iyo Wasiir Ku Xigeenkii Amniga Oo Iska Saamaxay Qardoofooyin Siyaasadeed Oo Dhex Yaalay

0
Friday February 13, 2015 - 21:17:55 in by salman abdi
  • Visits: 646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Qabile Iyo Wasiir Ku Xigeenkii Amniga Oo Iska Saamaxay Qardoofooyin Siyaasadeed Oo Dhex Yaalay

    Wasiir ku xigeenkii hore ee amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Cabdillaahi Abokor Cismaan iyo xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, ayaa shalay iska saamaxay Qardoofooyin siyaasadeed oo muddo dhex yaalay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir ku xigeenkii hore ee amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Cabdillaahi Abokor Cismaan iyo xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, ayaa shalay iska saamaxay Qardoofooyin siyaasadeed oo muddo dhex yaalay.


Lama oga khilaafka siyaasadeed ee labadan masuul iska saamaxeen, laakiin Munaasibad dad badan fadhiyey oo shalay lagu caleemo saaray Suldaan ay yeelanayso beesha Maxamuud Jibriil (Ciise Muuse) ayaa xildhibaan Qabile uu si lama filaan ah uga sheegay inaanu waxba caloosha ugu haynin Cabdillaahi Abokor oo isaguna Madashaasi fadhiyey


"Waxaan soo dhaweynaynaa Cabdillaahi Abokor Cismaan oo ah Inaadeer iga yar, waxaan leeyahay anigu waxba Cabdillaahi caloosha uguma hayo, sidaa daraadeed waxaan markhaati idiinka dhigayaa Naaneysta duushay in aanay waxba ka jirin, cid kasta oo naaneystaa soo hadal qaadana waxaan ka codsanayaa inay iska daayaan…”ayuu si kooban halkaasi uga yidhi Xildhibaan Qabile. Waxaana hadalkaasi soo dhaweeyay Wasiir ku xigeenkii hore ee amniga Somaliland, Cabdillaahi Abokor Cismaan, waxaanu dadkii madasha fadhiyey hortooda ka sheegay sidan "Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo aanu ahayn raggii aanu iskugu dhawayn wakhtigii ololaha xisbiga KULMIYE, laakiin siyaasaddu waxay leedahay Qardoofooyin, anigu marnaba ismaan lahayn caloosha wax ugu qabo, imikana uguma hayo..waxaanse bogaadinayaa inuu Munaasibad sidaa u ballaadhan inuu igaga horeeyo (Saamaxaaadda) oo uu magaceyga ku xuso, waxaan leeyahay waa GU’ uu I dheer yahay, aad iyo aadna waan ugu hambalyeynaynaa, sidii aanu awalba iskugu hiillin jirnay ayaanu maanta (Shalay) laga bilaabo ayaanu iskugu hiilinaynaa, haddii ILAAHAY yidhaahdo”

Xildhibaan Qabile ayaa hore Cabdillaahi Abokor iyo xubno kale oo xukuumadda ka mid ah ugu eedeeyay inay ka dambeeyeen rasaas lagu riday wakhti habeennimo ah, taasi oo ay wakhtigaa iska fogeeyeen Cabdillaahi Abokor iyo masuuliyiintii kaleba.


Contact@afkashacabka.com