Dhallinyaro Ciidanka Boolisku U Taag Waayey oo isa soo Dhiibay Marki Waliidkood Xabsiyada lagu guray

0
Saturday February 14, 2015 - 09:15:32 in by salman abdi
  • Visits: 536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhallinyaro Ciidanka Boolisku U Taag Waayey oo isa soo Dhiibay Marki Waliidkood Xabsiyada lagu guray

    Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sarreeyo Guuto Cabdilaahi Fadal iimaan ayaa Sheegay In ay Guulo Ka gaadheen Dhalinyaradii Rabshadaha ka samaynaysay Gudaha Magaalada Hargaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sarreeyo Guuto Cabdilaahi Fadal iimaan ayaa Sheegay In ay Guulo Ka gaadheen Dhalinyaradii Rabshadaha ka samaynaysay Gudaha Magaalada Hargaysa.


Waxa uu sheegay in Intoodii badnayd ay wehel ka dhigteen Xabsiyo aad u Fog-fog Ka Dib Markii Ay Maxkmaddu Xukuno ku riday, inkasya oo Waalidiintii Carruurtooda Laga xidhay ayaa iyagu Dalab Madaxwayne Warbaahinta Soo marayay iyaga oo Soo jeediyay inaan Carruurta Laga gayn Xabsiyada Fog-fog.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ayaa isaga arrimahaasi ka hadlaya Waxa uu sheegay "Qofkasta oo Bulshada ka Mid Ahi waxa uu dareemay ammaanku waxa uu yahay inuu Nabadna ku Seexdo Kuna Soo Tooso, waxaana noo qorshaysan in Saldhigyada iyo Rugaha Ciidanka La balaaadhiyo oo hadba waxa ay Duruufto noo Saamaxdo Dhisno waana Qorshe wanaagsan, Halkii Aanu meel dheer uga Gurman Lahayn waxa ka fiican in goob kasta laga helo Rug Ama saldhig Boolis” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Cid Ciidanku ku daba Jiraan Maaha Ciidan oo dhan, Maaha Koox oo dhan, Laakiin waa Qaar Qorshaysan oo Nabad Galiyada wax u dhimaya, Hawlgalkaas Ciidanku Meel Fiican ayuu Marayaa, Qof kasta Marka Ay ciidanku Qabtaana Sharciga ayaa Ciidanku Horgeeyaan”

Taliye Fadal waxa uu sheegay in dhallinyaro badan oo Waalidkooda la xidhay ay isa soo dhiibeen si ay waalidkooda u furtaan "Markii uu hawlgalka Ciidanku adkaaday waxa jira in dad badan oo waalidkood Xabsiga la dhigay inay yimaadeen sharcigan isku soo dhibeen, Qaar kale oo Waalidkood Keenayna way jiraan, marka uu hawlgalka Ciidanku uu isdaba joog noqday”




Contact@afkashacabka.com