Shacabka Seylac Oo Biyo La,Aan Uga Barakacaya Magaalada

0
Sunday February 15, 2015 - 15:39:05 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Seylac Oo Biyo La,Aan Uga Barakacaya Magaalada

    Magaalada Saylac ayaa lagu soo waramayaa inay Maalmihii u dambeeyey ka jirtay Biyo la'aan baahsan oo saamaysay guud ahaanba Dadka Deegaanadaasi ku Nool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Saylac ayaa lagu soo waramayaa inay Maalmihii u dambeeyey ka jirtay Biyo la'aan baahsan oo saamaysay guud ahaanba Dadka Deegaanadaasi ku Nool.


Waxaanay Biyo la’aantaasi gaadhay in Dadkii ku dhaqnaa Gudaha Magaalada Saylac ay halkaasi ka hayaamaan isla markaana ay ka baro kacaan. Waxaanay Dadka Deegaankaasi oo u waramayay Telefishanka Caalamiga ah ee Horn Cable Tv ay arintaasi ku eedeeyeen Maamulka Degmada Saylac iyaga oo sheegay inay Indhaha ka qarsadeen sidii wax looga qaban lahaa dhibta taagan


Maayer ma haysano oo Xildhibaano ma haysano, Badhasaabna hadalkiisa daa, laba bilood baan Biyo la’nahay oo sidaa u dawarsanaynaa. Xoolihiina wey naga baxeen " sidaa waxa yidhi Mid ka mid ah Dadkii Deegaanka oo u Waramayay Telefishanka. Waxaanu intaasi ku sii daray " sidaan nahay waad arkaysiin, xagaana wuu soo gali doonaa,

 

Ninkii Ajarku baaqi u yahay. Anagu waxaanu nahay Degmo halawsan, hee haab cidlaan nahay oo gasiirad cidla ah baan ku nool nahay. Madaxweyne siilaanyo wadanka waxbuu uqabtay seylacna wax u qabaan leenahay , dadkii wey daateen oo Biyo la’aan bay u daateen inta hadhayna wey bakh bakhtiyayaan

 

” waxa kale oo Ninkaasi sheegay inay Magaalada Saylac ay ka shaqeeyaan laba Booyadood oo mid ka mid ahi ay imika jabtay tii soo hadhayna aanay ku filnayn inay Dadka biyo wada gaadhsiiso "Magaalada laba booyadood baa jooga mid wey naga jabtay midna waataas wey na deeqi la dahay,

 

Waar Xagaan galnaa, hanaloo soo gurmado baan leenahay magaaladuna maamul xumo bay u dhimanaysaa, Maaha markii u horeysay ee haraad noocan oo kale ahi uu ka dhaco magaalada seylac balse biyo la,aantan ayaa soo noq noqota oo aan dhag jalaq loosiinin qayla dhaanta ka soo yeedhaysa shacabka ku dhaqan magaalada Seylac”


 

Badhasaabka Degmada iyo Maayirka Degmada Saylac ayaa waqtigan ku sugan Magaalada Jabuuti ee Xarunta Dalkaasi, waxaanay Dadwaynahan Cabanayay ku eedeeyeen Labadaasi Masuul inay Jabuuti iskaga tamashle tageen waqti ay Dhibta biyo la’aaneed ee ay haysta ay la il daran yihiin. Ilaa imika ma jirto wax dhaq dhaqaaq ah oo dhinaca Dawlada ka socda oo arintaasi xal loogu helayo.

conatct@afkashacabka.com