Abuukar Cawaale (Qaad-diid) oo si weyn lagu soo dhaweeyay Maamulka goleedka puntland (SAWIRRO)

0
Sunday February 15, 2015 - 16:17:54 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abuukar Cawaale (Qaad-diid) oo si weyn lagu soo dhaweeyay Maamulka goleedka puntland (SAWIRRO)

    Abuukar Cawaale oo lagu xusuusto sidii ula dagaal-lamay qaadka la geyn jiray waddanka Britain oo ugu dambeyn lagu guuleystay in la joojiyo ayaa gaaray Puntland, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abuukar Cawaale oo lagu xusuusto sidii ula dagaal-lamay qaadka la geyn jiray waddanka Britain oo ugu dambeyn lagu guuleystay in la joojiyo ayaa gaaray Puntland, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Abuukar Cawaale ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay dadweyne aad u fara badan oo watay sawirkiisa iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Puntland ee Soomaaliya.

Mar uu la hadlayay warbaahinta Abuukar oo loo yaqaan (Qaad-diid) sheegay in socdaalkiisa Somalia uu ku yimid uusan ahayn mid uu ku doonayo inuu ku joojiyo Qaadka, balse uu yahay mid uu ku doonayo inuu wadatashiyo kula yeesho dadka qaadka cuna iyo kuwa ka ganacsada.

Sidoo kale, wuxuu sehegay inuu la kulmi doono maamullada Somalia ka jira, balse ma sheegin wuxuu doonayo inuu kala hadlo, waxaana uu si weyn uga mahadceliyay soo dhaweynta loogu sameeyay Puntland.

"Waxaan ku faraxsanahay inaan Somalia imaado muddo fog kaddib, waxaan kaloo rabaa inaan sheego in Somalia ay hadda marayso sidii ay shacabkeedu uga tashan lahaayeen mustaqbalkooda iyo kan carruurtooda,” ayuu Cawaale ku yiri hadal uu jeediyay soo dagistiisa kaddib.

Ugu dambeyn, Cawaale oo soo maray xarunta Somaliland ee Hargeysa ayaa intii uu halkaa ku sugnaa loo geystay xarig, iyadoo su’aalo laga weydiiyay wareysi uu bixiyay, sida uu u sheegay warbaahinta.

Si kastaba ha ahaatee, Cawaale oo ka mid ahaa ragga jaadka cuna ayaa ugu dambeyn iska daayay markii uu sheegay dhibaatada uu ku hayo Soomaalida, isgaoo markaas kaddibna dhexda u xirtay sidii jaadka looga joojin lahaa Britain oo ay Soomaali badan degen tahay, isagoo oloihiisaas ku guuleystay.


Batalaaalenews@gmail.com