"Waan ku Faraxsanahay in Maanta markii uugu horaysay Deegaanka Waddo Makaahiil lagu guulaystay in ay helaan Biyo Macaan"Wasiir Xirsi

0
Tuesday February 17, 2015 - 08:36:48 in by salman abdi
  • Visits: 549
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waan ku Faraxsanahay in Maanta markii uugu horaysay Deegaanka Waddo Makaahiil lagu guulaystay in ay helaan Biyo Macaan"Wasiir Xirsi

    Wasiirka Madaxtooyada JSL oo qoraal kooban oo uu soo Dhigay bloggiisa gaarka ah kaga dareen celiyey Tijaabada ceel biyood maanta laga hirgaliyey deegaanka Waddo Makahiil oo ka tirsan degmada Faroweyne ayaa qoraalkiisu u dhigna sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada JSL oo qoraal kooban oo uu soo Dhigay bloggiisa gaarka ah kaga dareen celiyey Tijaabada ceel biyood maanta laga hirgaliyey deegaanka Waddo Makahiil oo ka tirsan degmada Faroweyne ayaa qoraalkiisu u dhigna sidan:

Waxay ahayd maanta kadib markii wafti aan kamid ahay kana kooban; Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Md. Xuseen Axmed Cabdile, Wasiirka Maaliyada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan aanu ka qaybgalnay tijaabada ceel biyood maanta laga hirgaliyey deegaanka Waddo Makahiil oo ka tirsan degmada Faroweyne

Ceel biyoodkan maanta laga gaadhay biyaha macaan ayaa balanqadkiisa uu sameeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland socdaalkii "Buur iyo Banaan” ee uu dhawaan kusoo maray in badan oo kamida degmooyinka iyo tuulooyinka dalka.

Waa illaahay mahadii in balanqaadkii Madaxweynaha durba deegaankaasi helay oo ay maantaba haystaan waxqabadkii loo balanqaaday ee loo dhagax dhigay maalmo kooban kahor

Markii Riigii dhulka lagu taagay soo daayey biyo xareed ah ayaad durba arkaysay shimbiro meel fog kasoo dulay oo dul heehaabaya deegaanka dushiisa taasi oo cadayn u ah bilowga nolol haraad beel ah waxaanay indhahaagu qabanayeen xoolo meel fog kasoo halacsaday biyaha dhulka kasoo boodaya

Waan uugu hambalyeynayaa deegaankaas biyaha macaan ee ay heleen sidoo kale waxaan ku bogaadinayaa saxiibkay Wasiirka Khayraadka Biyaha tacabka badan ee uu u galay in uu balanqadkii Madaxweynaha u turjumo wax qabad muuqda

Waa dhab oo biyuhu waa aasaaska nolosha waana baahida koobaad ee noolaha, waxaanan ku dedaalaynaa ka xukuumad ahaan in deegaan walba ka haqab beelo baahida biyaha Insha Allahu Illaahayna uu inoo sahli in nimcadiisa Biyuhu dhamaanteen ina wada gaadho.

Somaliland Allow Samo ku Waartaa




Wa Bilaahi Tawfiiq