Toban Astaamood oo lagu garto Meesha ay maamusho Dawladda Xummi‏

0
Tuesday February 17, 2015 - 12:19:38 in by salman abdi
  • Visits: 872
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Toban Astaamood oo lagu garto Meesha ay maamusho Dawladda Xummi‏

    Dawladnimadu waa hanaan abuura jawi kala danbayn iyo isla xisaabtan ku qotoma, kaasoo ay hagayaan shuruuc iyo qawaaniin ay isku raacsan..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladnimadu waa hanaan abuura jawi kala danbayn iyo isla xisaabtan ku qotoma, kaasoo ay hagayaan shuruuc iyo qawaaniin ay isku raacsan..

yihiin dadka wada dhistay dawladnimadda, iyadoo waxa ugu weyn ee mudnaanta koobaad lihi uu yahay ka saraynta sharciga ee cidkasta (Madax iyo minjo-ba) iyo ku dhaqankkiisa, xikmadda ugu weryn ee laga leeyahay asaasitaanka dawladnimadana waa in la mideeyo xoogga, dhaqaalaha, maskaxda, muruqa iyo hibooyinka kala duwan ee bulshadaasi leedahay si loogu daadihiyo gaadhitaanka nolol barwaaqo iyo nabadgelyo leh, kana madhan dibu-dhac iyo qlalaalaase, mana fududa in si dhib yar loo xaqiijiyo ka midha dhalinta nolosha noocan oo kale ah, si kastaba ha ahaatee, qormadan waxaan idnkula wadaagayaa 11 qodob oo astaamo ahaan lagu garto meesha ay maamusho dawaldda xummi, ee ka fog inay umaadeeda ku hagto inay gaadho nolol badhaadhe iyo xasilooni wadata, qodobadaas oo ah sidan:-

1.       Sharciga iyo qawaaniinta oo aan sidii la rabay u shaqaynin

2.       Caddaaladda iyo tayada garsoorka oo liidata

3.       Musuqmaasuq baahsan iyo wax is dabamarin aan lala gaban oo ka dhex jirta hay’adaha dawliga  ah,

4.       Fursadaha, shaqooyinka iyo qandaraasyada oo aan loo sinayn, laguna naasnuujiyo cid gaar ah

5.       Qabyaalada iyo ku dhaqankeeda oo kor u kaca

6.       Ka  fakarka maslaxada qaran oo hooseeysa, iyo Maslaxadda Shaqsiga ah oo ka qaalib noqota Maslaxadda Qaran

7.       Is-aaminaada iyo kalsoonida Bulshada dhexdeeda oo yaraata

8.       Ka jawaabida baahiyaadka Bulshadda oo wax ugu danbeeya ee laga fekero noqota

9.       Isla xisaabtanka, iyo isdabagalka oo aan jirin

10.   Midnimadda iyo isku xidhnaanta bulshadda oo liicda

11.   Koox hoosaadyo danno hoose oo gaar ah isku baacsanaya oo ka dhex-abuurma Maamulka dawliga ah ee markaas jira

Hadaba, Akhristow, kow iyo tobankan qodob, min-qoyaas ahaan, imisa ayaa ka jira deegaankeenan, ma ka wada madhanahay, mise waa inagu idil-yihiin?  Haddii ay jawaabtaadu haa oo way inagu dhan yihiin, ma u malanaysaa in sii jiritaanka amuurahani ay keeni karaan burbur  asiiba jiritaankeena qaranimo? Haddii ay haa tahay, Sidee baad u malanaysaa in lagaga hortegi karo inaanay taasi dhicin?

Wa Bilaahi towfiiq.

Qalinkii;- Hussein-Lucky Mohamed Mohamoud,

Burco, Somaliland,

Email, husseinlucky@hotmail.com