AGAASIMAHA WASARADA MALIYADA SOMALILAND OO WAXBA KAMA JIRAAN KU TILMAAMAY WARAR SHEEGAYA IN WASARADA MAALIYADU KOOTO KU SIISAY WARAQAHA CASHUURAHA XILDHIBAAN CALI MARAXAAN

0
Tuesday March 25, 2014 - 22:03:58 in by salman abdi
  • Visits: 1115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AGAASIMAHA WASARADA MALIYADA SOMALILAND OO WAXBA KAMA JIRAAN KU TILMAAMAY WARAR SHEEGAYA IN WASARADA MAALIYADU KOOTO KU SIISAY WARAQAHA CASHUURAHA XILDHIBAAN CALI MARAXAAN

    Agaasimaha guud ee wasaarada maaliyadu waxa uu sheegay inaanay waxba ka jirin wararkaas,waxaanu tilmaamay inay wasaaradu heshiis shan sano ah kula jirto shirkad la yidhaahdo Moon Light oo qandaraaskeedu yahay mudo shan sano ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha guud ee wasaarada maaliyadu waxa uu sheegay inaanay waxba ka jirin wararkaas,waxaanu tilmaamay inay wasaaradu heshiis shan sano ah kula jirto shirkad la yidhaahdo Moon Light oo qandaraaskeedu yahay mudo shan sano ah.

Agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada Somaliland Saleebaan Jaamac Diiriye ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya inay in wasaarada maaliyadu ay kooto ku siisay waraaqaha cashuuraha xildhibaan Cali Xasan Maxamed(Cali Mareexaa) oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada.

Agaasimaha guud ee wasaarada maaliyadu waxa uu sheegay inaanay waxba ka jirin wararkaas,waxaanu tilmaamay inay wasaaradu heshiis shan sano ah kula jirto shirkad la yidhaahdo Moon Light oo qandaraaskeedu yahay mudo shan sano ah.

Ugu horayn agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada oo ka hadlaya wararkaasi sheegay inay waraaqaha cashuuraha kooto ku siiyeen xildhibaan Cali Mareexaan ayaa waxa uu yidhi "Wax waraaqo ah waxaanu isticmaalnaa Stamp tax oo hadyo jeer lagu bixiyo codsiyada dadku qortaan iyo cashuuraha lagu dhajiyo,Anigu Cali

Mareexaan waxaan u aqaanaa nin xildhibaan ah oo dawlada ka tirsan laakin shirkada heshiiska ku haysta inay waraaqaha cashuuraha samayso Cali Mareexaan ma laha, shirkadaasna waxa leh sadex muwaadin oo Somaliland u dhashay oo reer Hargeysa iyo reer Berbera iskugu jira.”ayuu yidhi agaasimaha wasaarada maaliyada.

Agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada Saleebaan Jaamac Diiriye oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas raaciyey "Aniga iyo wasiirku waanu ugu nimid heshiiska ay wasaarada kula jiraana waa shan sano waxaana la siiyey wakhtigii uu wasiirka maaliyada joogay Eng Maxamed Xaashi waana la yidhaa Moon Light magaca xildhibaankaasina meelna kagama qorna dadka shirkada iska lehna kuma jiro” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada somaliland


Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com