Qandaraaskii Gaadiidka Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo lagu kordhiyey MudoTodoba Maalmood ah

0
Tuesday February 17, 2015 - 17:26:08 in by Burco Office
  • Visits: 695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qandaraaskii Gaadiidka Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo lagu kordhiyey MudoTodoba Maalmood ah

    waxaa mudo Todoba maalmood ah lagu kordhiyey Qandaraakii lagu xaraashayey Gaadiidka ay leeyihiin Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo hore loo shaaciyey, isla markaana loogu soo bandhigay ciddii danaynaysa inay ka qayb-qaataan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaa mudo Todoba maalmood ah lagu kordhiyey Qandaraakii lagu xaraashayey Gaadiidka ay leeyihiin Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo hore loo shaaciyey, isla markaana loogu soo bandhigay ciddii danaynaysa inay ka qayb-qaataan.

Qoraal uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Waaxda Qandaraasyada ee Guddiga Qanadaraasyada Cabdirisaaq Maxamed Faarax, ayaa lagu muddeeyey wakhtiga la furayo 24-ka bishan February oo ciddii ku guulaysata lagu soo bandhigi doono Xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda."Waxa la ogeysiinayaa cidda danaynaysa Xaraashka Gaadiidka K.D.Q in Muddadii loo kordhiyey oo lagu daray 7 Cisho.

Haddaba, waxa dib loogu dhigay 24/02/2015 oo ah maalin Salaasa ah Saacaddu markay tahay 9:00 Subaxnimo, goobtuna waa hoolka Guddida Qandaraasyada Qaranka ee Xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda,” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ogeysiinta ee Guddiga Qandaraasyada Qaranku ku muddeysay wakhtiga la furayo qandaraaska

contact@afkashaacbka.com