Ku-simaha Raysal Wasaraaha Dalkaasi Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Oo Walaac Ka Muujiyay Weerarada Al-shabaab.

0
Tuesday February 17, 2015 - 17:27:58 in by Burco Office
  • Visits: 832
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku-simaha Raysal Wasaraaha Dalkaasi Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Oo Walaac Ka Muujiyay Weerarada Al-shabaab.

    Ku simaha Raysal Wasaaraha ahna Raysal Wasaare kuxigeenka Xukuumadda dalkaasi Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa ugu baaqay hey'addaha ammaanka dawladda inay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku simaha Raysal Wasaaraha ahna Raysal Wasaare kuxigeenka Xukuumadda dalkaasi Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa ugu baaqay hey'addaha ammaanka dawladda inay

ka feejignaadaan weerarada ay maleegayaan Al-Shabaab. War saxaafadeed ka soo baxay Ku simaha Raysal Wasaaraha ayaa loogaga tacsiyadeeyay saraakiishii shalay lagu dilay weerar kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen gaadhi ay la socdeen saraakiishaas ka shaqeynayay Garoonka diyaaradaha.


Afar ruux oo uu ka mid ahaa Maareeye ku-xigeenkii garoonka diyaaradaha Maxamed Kadiye Jimcaale ayaa ku dhintay weerarkaas. "Anigoo ku hadlaya magacayga, kan Xukuumadda, iyo kan shacabka Soomaaliyeed, waxaan tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shaqaalaha Garoonka diyaaradaha ee ay ka baxeen muwaadiniintii naftooda ku weeyay weerarkii kooxaha argagixisadu ku qaadeen masuuliyiin ka tirsan garoonka Muqdisho, waxaana Ilaahay SWT uga baryayaa inuu Janadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo imaana ka siiyo intee jeclayd”ayuu yiri Ku simaha Raysal Wasaaraha.

Ku simaha Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in aysan ka niyad jabi doonin dhacdooyinkan noocaan oo kale ah, isla markaana ay sii wadayaan dadaalka ay uga hortagayaan kooxaha nabad diidka sida uu yiri. "Waxaa ugu baaqayaa Laamaha ammaanka dowladda inay muujiyaan feejignaan, kana hortagaan falalka argagixisada maleegeyso”ayuu yiri RaysalWasaare ku-xigeenka.

Hadalka ka soo yeeray Ku simaha Raysal Wasaaraha ayaa ku soo aadaya, xilli shalay lagu dilay agagaarka isgoyska KM4 saraakiil ka shaqeynayay garoonka diyaaradaha, kadib markii dabley hubeysan oo gaari wadatay ay rasaas ku fureen saraakiishan oo gaari saarnaa


conatct@afkashacabka.com